Wasaaradda Waxbarashada oo iska difaacday Eedaymo uga Yimid HEMO Books

0
426

Hargeysa-(Dawan) Guddi farsamo oo wasaaradda waxbarshada iyo saynisku dhawaan u saartay arrintaasi eedaha shirkadaas ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedaymaha ay shirkadda daabacaadda ee HEMO BOOKS ay u soo jeedisay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, waxaanay intaas ku dareen guddidaasi in wasaaradda waxbarshada iyo saynisku ay heshiis kula galeen shirkaddaasi sannadkii 2016-kii daabacaadda manhajka dugsiyada hoose iyo kuwa sare ee dalka, waxayna ay tilmaameen in wasaaradda waxbarashada iyo saynisku ay xaq u leedahay, isla markaana ay u dhawrantahay xuquuqda manhajka waxbarasho ee Somaliland, taas oo sharcigu siinaayo in ay dib u qori karto.

Guddidan farsamo ee wasaaradda waxbarashada iyo saynisku ay u xil saartay khilaafka shirkadda daabacadda buugaagta ee HEMO BOOKS iyo wasaaradda waxbarshada ayaa intaas ku daray in sidii hore uu sharcigu ugu ogolaaday shirkaddaasi inay soo daabacdo buugta ay imikana wareegtada ka xeerarku u ogaol yihiin lagu daabaco madbacadda qaranka.

Leave a Reply