Muxu Daaran Yahay Safarka Madaxweyne Biixi ee Dalka Jabuuti ?

0
412

Hargeysa- (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka aynu jaarka iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray weftiga.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinaya, ayaa ka qaybgeli doona caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah taariikhduna tahay 15/05/2021 si rasmi ah loo dhaarin doono.

Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya, ayaa kala ah, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore.

 

Leave a Reply