Xisbiga UCID oo soo Bandhigay Cududa Taageerayaashiisa

0
1336

Hargeysa-(Dawan) Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ay maanta ahayd maalintiisi koowaad ee uu u lahaa kaltanka ololaha doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa isu soo baxyo la xidhiidha ololaha doorashada ka sameeyay guud ahaan gobollada dalka.

Gobollada kale ee xisbiga mucaaridka ee UCID taageerayaashiisu ay dhoola tuska ololaha doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka waxa ka mid ahaa Maroodi jeex, Awdal, Sanaag, iyo Sool.

Taageerayaasha xisbiga UCID ayaa isku soo baxyo ay ku muujinayaan taageradooda ay u hayaan musharaxiinta xisbigaasi uga sharaxan doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ka dhigay gobollada dalka, iyagoo ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ku taagerayaan xisbigaasi.

Waxa taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID kula hadlay xafiisyada ay ku leeyihiin gobolada iyo degmooyinka dalka musharaxiinta u taagan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, iyagoo ka dalbaday inay codkooda siiyaan maalinta 31-ka may.

Geesta Kale Xisbiga Ucid ayaa ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay Magaalooyinka Saylac, Gebilay, Balli Gubadle, Sallaxley,Oodweyne, Caynaba, Ceel afweyne iyo badiba magaalooyinka dalka waxaana Taageerayaasha Xisbiga Ucid la hadlay Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka waramay qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan gollaha wakiilladda.

Murashixiinta ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda.

Leave a Reply