Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Iba-furay Ololaha Xisbigaasi ee Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa

0
348

Hargeysa (Dawan) Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah Waddani, ayaa saaka isugu soo baxa weyn ka sameeyey Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharrax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa faagaaraha beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa kaga qayb galay ololaha doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee Xisbiga WADDANI oo maanta guud ahaan-ba Gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiin sarsare oo Xisbiga ah ayaa Kumanaan taageerayaasha Xisbiga ah iyo Musharraxiinta kala qayb galay wacdaraha ay fagaaraha beerta Xorriyadda Hargeysa ay ku soo bandhigayaan Jamaahiirta liimiga ah ee Xisbiga WADDANI.

Leave a Reply