Shacabka oo Bogaadiyey Kaalinta ay Ciidanku ka Qaateen Doorashada

0
476

Qore: Saciid Cagjar

 

Hargeysa-(Dawan) shacabweyna ku dhaqan caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa ammaanay iyo bogaadin u jeediyey ciidanka sugaaayey doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo wakiillada ee shalay dalka ka dhacday.

 

Shacab ayaa sheegay in aanay doorasho suuragal noqoteen haddii aanay ka garab taagnayn ciidamada kala duwan ee qalabka sida ciidanka difaaca xuduudaha dalka iyo booliska.

 

“walaahay waan qirooda marka aan arko sida ay garbahayaga u taagan yihiin ciidanku , waxa aan dareema kalsooni badan mana cabsado, waxa xaqiiq ah in aanay doorasho dhacdeen haddii aanu ciidan jirin “ ayey tidhi Caasha Xuseen oo la hadashay Wargeyska Dawan.

 

Caasha ayaa ciidanka ku ammaantay sida ugu naxariisanayeen dadka naafada ah iyo kuwa jilicsan iyaga oo ka hormarinaayey dadka kale ee safafka dhaadheer ugu jiray si ay codkooda u dhiibtaan

 

“Xasilooni iyo farxad aan lasoo koobi Karin ayaa dareema marka aan garbahayga ku arko ciidankayga oo sugaya ammaanka , illahay ha idinka abaalmariyo shaqada aad haysaan” ayuu yidhi Maxamed Maxamuud oo ka mid ah dhallinyarada codkooda dhiibanaayey

 

Qaybaha kala duwan ee ciidanka ayaa kaalin weyn ka qaatay hanaanka sugida iyo kala danbaynta doorashooyinka kala duwanaa ee ka dhacay Somaliland muddii soddanka sanno ahayd ee ay jirtay midnimadii ka dib.

 

 

Leave a Reply