Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka “Dib U Soo Celinta Sabo-deegaanka Xaalufay”…

0
325

Hargaysa (Dawan): Shanta bisha May oo maanta ku beegan waxaa wadamo badan oo caalamka ah laga xusaa maalinta deegaanka adduunka.

Sanadkii 1972-kii ayaana loo asteeyay in ay noqoto maalin lagu xuso ilaalinta deegaanka, isla markaana dadka lagu wacyi geliyo muhiimadda deegaanka.

Khubaradda ku xeesha dheer arrimaha deegaanka ayaa sheegaya in bulshadda Soomaalida ah intoodda badani aanay ku baraarugsanayn muhiimadda deegaanku u leeyahay nolosheenna.
Sanadkan waxaa loo asteeyay in diirrada lagu saarro baraarujinta ku aadan dib u soo celinta dhulka xaalufay.

Liibaan Maxamed Faarax, oo ah khabiir reer Somaliland ah oo ka faalloodda arrimaha deegaanka ayaa sharaxaya waxay maalintani ka dhigan tahay.

Waxaanu yidhi. “Waxay uga dhigan tahay in dadka la ogaysiiyo muhiimadda deegaanka iyo duur joogta iyo isku dhafka deegaanka ilaalintiisu ay leedahay.

Laakiin, waxaan qiyaasayaa in dad badan oo shacabka ka mid ahi aanay weli ku baraarugsanayn in ay jirto maalintaasi loo asteeyay deegaanka”.

Sanadkan waxaa xuska maalinta deegaanka diirrada lagu saarayaa soo noolaynta Sabo-deegaanka ama dib u soo celinta dhulka xaalufay.
Geesta kale, haayadda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan ilaalinta deegaanka waxay soo saartay digniin ah, in adduunka aad loo isticmaalay, ama loo baabiiyay Sabo-deegaanadda dhulka ku yaallay.

Taasoo ay sababtay dadka badan ee adduunyadda ku nool ee tiradoodda lagu qiyaaso 7-da bilyan, in ay ka tirro bateen dhulkii.

Maadaama oo dhulka 70% ay biyo tahay, inta qalalan na 30% lagu qiyaaso.

Sidaas darteedna waxaa laga cabsi qabaa in wakhti dhaw la arko bulshooyin ay barokicisay isbedelka cimiladda adduunku.

Sida uu sheegayo Liibaan Maxamed Faarax, “Dhibaatooyinka isbedelka cimiladda adduunku keenay, waxaa wakhti dhaw laga baqayaa, inuu keenno dad isbedelka cimiladu barokiciyay”.

Deegaan marka laga hadlayo waa wax balaadhan oo xataa bini’aadamku ka mid yahay.

Hadaba waa kuwee meelaha ay taabanayso ilaalinta deegaanka iyo waxa lagu qeexo kelmadda Deegaan, waxaa sharaxaya Liibaan Maxamed Faarax.

“Kelmadda deegaan, waxaa lagu qeexaa bini’aadamka iyo waxa ku xeeran. Markaa ama biyo ha ahaadaan, ama dhul, ama duur joog, ama dadka laftiisa ama xayawaanadda kale hha ahaadeene, intaasoo isku dhafan ayaa la yidhaahdaa deegaan.

Waana nidaam marka la rabo in la ilaaliyo, haddii aanad midkood ilaalin, aanu ka kale joogi karin.
Marka laga hadlayo isku dhaf deegaan, waa in isku dhafkaasi oo dhan, ee nooleyaasha kala duwan ah, si isku mid ah loo ilaaliyo” ayuu yidhi Liibaan Maxamed Faarax, oo maanta u waramay BBC.

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply