Guddoomiyaha golaha Guurtida oo Boggaadiyay Hannaanka ay ku soo Dhamaatay ku dhawaaqista Natiijada Doorashadii Dalka ka Dhacday

0
603

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan,  ayaa ka hadlay ku dhawaaqistii natiijadii hordhaca ahayd ee doorashadii isku sidkanayd ee degmada Hargaysa iyo gobolka Maroodi-jeex, waxaanu sheegay in si fiican oo nabadgelyo ah ay u dhammaatay, waxaanu bulshada kula dardaarmay in ay ilaaliyaan amniga iyo wadajirka bulshoweynta Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu bulshada ugu baaqay joojinta hadalada bulshada kala fogeyn karra.

Dhanka kale waxa uu xildhibaanadii doorashada ku hadhay ka codsaday inay aqbalaan natiijada guddida doorashooyinku ka soo saareen doorashadaasi.

Guddoomiye Saleeebaan oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Doorashadii si fiican ayay u qabsoontay, waan maqlayay shalay galab shaqsiyaad cabanay, balse meel walba cid cabanaysa oo walaalkii ka dheereeyay waa uu jooga, ka dheereeyayna faankiisa iyo bukhaan-bukhiisa ha haysto, ka laga dheereeyayna aw guuriyo ha sameeyo oo yidhaaho ana ka dheerayn doona.

Doorashaduna si wanaagsan ayay dhab ahaantii inoogu dhacday waa shaqsiyaad uun waxa qaylinayaa waanay iska dami doonta haddii ILLAAHEY yidhaaho”

 

Leave a Reply