Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE oo Sheegay in Doorasho Xor iyo Xalaal ahi dalka ka Dhacday

0
361

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere oo ayaa hadley doorashadii dalka ka dhacdey iyo aragtida ayaa sheegay in ay ahayd mid xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale waxaa uu bulshada reer Somaliland ku boggaadiyay sidii nabadgelyadu ay ku dheehneyd ee ay ugu dareereen goobaha codbixinta.

Waxaa kale oo uu xusay in doorashadani ay tahay tii koobaad ee aanay cabanin xisbiyada mucaaridka ahi.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere isaga oo arrimaha ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Xisbiga KULMIYE waxa uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay doorashadii dalka ka qabsoontay sidii ay u dhacday, oo aan caalamkii inagala qayb qaadan jiray haday dhaqaale tahay iyo haday nabadgelyo tahay labadaba ciidankeena iyo Jamhuuriyaddeena Somaliland shacab, mucaarid iyo muxaafidba aynu isu kaashanay, sida wanaagsan ee ay inoogu soo dhammaatay in aynu isugu tashano weeyaan oo dalkeena maalinba meel u qaadno.

Doorashadani waxaa ay ahay mid aanay mucaaridku cabanin waana doorashadii inoogu horraysay dhab ahaantii halka ay iska taagtay xukuumaddu.

Doorashadani waxa ay ahayd mid guul u soo hoysay Somaliland, ta haddii aanu nahaya xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba aanu ku faraxsanahay sida ay doorashadii inoogu dhacday iyo halka aynu maanta mareyno iyo sida aynu ugu bislaanay dimuquraadiyada”

Leave a Reply