Doorashadii Dhacday, Dareenkii Bulshada iyo Doorkii Xukuumada Madaxweyne Biixi.

0
633

Doorashadii Dhacday, Dareenkii Bulshada iyo Doorkii Xukuumada Madaxweyne Biixi.

“Dadka geesi lagu yahay” Hadraawi.

Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada iyo Deegaanka oo ah taariikhda markii ugu horaysay ee laga qabto Jam. Somaliland, Runtii waa tusaale nool oo tilmaamaysa koritaanka dimuqraadiyada 30 jirsatay oo ay dheertahay dalal badan oo caalamka ah.

Qabsoomida labada doorasho ee dalka ka dhacay 31MAY 2021 natijada kasoo baxday waxay muujinaysaa wayo-ragnimadda iyo bisaylka Hogaaminta Madaxwaynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo hananka dimuqradiyada Somaliland oo laga baran karo cashar taariikhdu xusi doonto, Mar haddii axsaabta mucaaridka ay ku guulaysteen aqlabiyadda kuraasta Golaha Wakiillada, taas oo muujinaysa isu-dheeli-tirka awoodaha Golayaasha Qaranka, waxase muhiim ah in xayn-daabka sharciga lagu wada shaqeeyo.

Dhinaca kale Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland iyo Beesha Caalamka waxay ku amaaneen Xukuumada Madaxweyne Biixi sida habsimada leh ee ay u maamushay labada doorasho ee isku sidkan iyadoo tunka u ridatay maareynta duruufaha dhaqaale ee doorashada, waxaanay qasnada dawlada oo ah cashuurtii dadweynaha ka bixisay in ka badan 75% dhaqaalaha doorashada iyo diiwaangalinta Codbixiyayaasha.

Madaxweyne Biixi wuxuu mawqif adag ka istaagay wax kasta oo faragalin dhinaca xukumaddiisa ah in loo adegsado doorashada. Sidoo kale Warbahinta dawladda wuxuu amar ku siyay inay dhex ka ahadaan arimaha dorashada oo aanay xukumadda iyo xisbiga midna garab sinin.

Shacabka somalililand waxay ku amaanan yahiin sida Nabadgalyada ah ee ay codkooda u dhiibteen kuna soo doorteen cidii ay dan u arkeen, sidoo kalw waxan bogaadinaya guusha Xisbiyada mucaaridka kasoo hooyay doorashada iyo kaalin muhiim ka ee ay qaaten hawsha doorashada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kasoo dhalaalay shaqadii ay Qaranka u hayeen si cadaaladana ugu garsooray tartankii Xisbiyada Qaranka.

Ugu danbayn Guusha u wayn waxa gaadhay Qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi oo ku suntanaan doona sida xorta iyo xalaasha ah ee ay doorashadu inoogu qabsoontay..

Wabilaahi tawfiiq
Mohamed Gacayte

Leave a Reply