Warbixin: Xaaladda Covid-19 ee Dalka

0
592

Hargaysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa ka warbixiyay kiisaskii ugu danbeeyay ee caabuqa Covid-19 iyo saamaynta uu keenay xiligii lagu jiray ololihii doorashooyinka iyo codayntii doorashooyinka.

Cumar Cali Cabdilaahi, waxa uu sheegay in kiisaska cusub ee dadka laga helay Coronavirus ay bishii u danbaysay hoos u dhacday, hase yeeshee ay weli taagan tahay khatarta xanuunkaasi, isla markaana ay jiraan dad u dhintay iyo kuwo laga helay ba.

Tirada dadka laga baadhay bishii May ee inna dhaaftay ayuu wasiirku sheegay inay ahayd 4310 qof, waxaana xanuunka laga helay ama uu ku dhacay 245 qof, halka dadka u geeriyoodayna tiradoodu tahay 33 qof.

Tiradaasi dhimatay ama la baadhay iyo kuwa laga helay ayaa ah tirada ay wasaaradda caafimaadku diiwaangelisay, sida uu sheegay wasiir Bede, kadib kulan uu shalay xarunta wasaaradda caafimaadka ee Hargaysa kula yeeshay dhakhaatiirta iyo masuuliyiinta caafimaadka ee ka hawl gala wasaaradda caafimaadka Somaliland.
“Xaaladda xanuunka Covid-19, hoos bay u dhacday. Taa macnaheedu ma aha khatartiisii way tagtay. Bishii May ee inna dhaaftay dadka laga baadhay Coronvirus waxay ahaayeen, 4310 qof. Dadka uu ku dhacay waxay ahaayeen 245 qof. Dadka u dhintayna waxay ahaayeen 33 qof.
Bishan aan ku jirno, ee June, dadka la baadhay tiradoodu waxay tahay 947 qof. Inta laga helay waa 10 qof. Dhimahsadana 2 qof ayaa jira. Taa macnaheeduna waxa weeye xanuunkii hoos buu u dhacay. Laakiin, dadka wuu ku dhacayaa, waana loo dhimanayaa”.

Wasiirka ayaa fariin wacyigelineed oo la xidhiidha ka digtoonaanta xanuunka Covid-19 u diray bulshadda reer Somaliland.

“Bulshada waxaan la socod siinaynaa, in tallaabooyinkii iyo talooyinkii wasaaradda caafimaadka, mar kasta la raaco. Kuwaasoo ay mar walba ugu muhiimsan tahay, in Faraha aad loo maydho, iyo Af-saabka, iyo in ay dadku ka fogaadaan meelaha buuqa ah iyo isku imaatinadda”.

Geesta kale, wasiirka caafimaadku waxa uu sheegay in mudadii lagu guddo jiray ololihii doorashooyinka iyo maalintii codbixinta doorashadda oo ay dadweynuhu safaf ugu jireen, sidaas darteed na la qiyaasi karo inay jiri karaan dad cusub oo uu soo rito xanuunka Covid-19.
Waxaanu yidhi, “Waan og nahay mudadii lagu jiray ololihii doorashooyinka iyo maalintii doorashadda, in dad badan oo reer Somaliland si ay u gutaan, waajibaadkoodda qaran ee ah in ay codeeyaan, oo safaf dhaadheer la galay, muddo badan dadku isku dhex jireen.

Arrintaa wasaaraddu Il-dheer bay ku haysaa. Waxaanan u diyaar garoobaynaa ILLAAHAY SWT innaguma keenee, in ay dhici karto in ay xaaladuhu kor u kacaan. Maanta (shalay) waxaanu qiimaynay awoodda wasaaradda ee baadhitaanka.

Goboladda dalkoo dhan waa u diyaar, qofka raba inuu iska baadho xanuunka”.

Dhinaca kale, wasiirku waxa uu sheegay in inkastoo xaaladda caafimaad ee guud ee dalku ay wanaagsan tahay, balse ay jiraan xanuuno ka mid ah kuwa dhasha xili roobaadyadda, maadaama oo aynu ku jirno xili gu’ ah.

“Walow aynu ku jirno xilli roobaad, oo goboladda qaar iyo magaalooyinka qaar, uu jiro Shuban. Arrintaana waxaan bulshadda la socodsiinaynaa in aad loo ilaaliyo nadaafadda qofka iyo ta qoyska iyo nadaafadda deegaanka, oo arrintaa taxader loo yeesho” ayuu yidhi wasiir Bede.

Leave a Reply