Saaxiibtinimada Saraysa Ee Shinida !

0
531

Margaret Bell waxay ahayd gabadh Ingiriiska  u dhalatay waxaana ay deganayd magaalada London. Gabadhan ayaa la sheegay inay dhimatay sanadkii 1994.

Waxa haddaba yaab noqotay in mudadii lagu jiray qabanqaabada aaskeeda ay dadkii arkeen arrin yaab leh ka dib markii kumanaan shinni ahi ay degeen ka soo horjeedka wadada la marin doono maydkeeda.

Bell waxay xaafaddan deganayd 26 sano, iyadoo saaxiib dhow la ahayd Shinnada.. Shinnida ayaa la cadeeyay inay halkaasi fadhiday muddo saacad ah. Warbaahinta gudaha ayaa arinkaasi aad duubtay sawiro iyo muuqaalo kala duwan oo shinida halkaasi deganayd muujinayay.

Islaantan ayaa Shinnida iskeed u ilaalin jirtay iyadoo biyaha iyo macaanka ay u baahan tahay u diyaarin jirtay, una dhigi jirtay goobo ku haboon oo amaan ah.

 

Leave a Reply