Xisbiga WADDANI oo ka hadlay Hanka Mayinimo ee Cabdikariim Axmed Mooge

0
74

Hargeysa (Dawan)  Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku anay ka soo horjeedin hanka Maayirnimo  ee Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in xisbiga WADDANI uu soo saaray Cabdikariim isla markaana ay  taageersan yihiin hankiisa.

Afhayeen Barkhad isga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Dareenka soo baxaya ee sheegay in axsaabta mucaaradka ahi anay arrinta Cabdikariim kawada sinayn, taas waxan leeyahay waa arrin aan meesheeda leekayn.

Cabdikariim abuurkiisa siyaasiga ahi wuxu ku yimid rabitaanka iyo ogolaanshaha guddoomiyaha xisbiga WADDANI.

Cabdikariim 8 xildhibaan ee uu wataaba waa mucaarad, lama hayo hal xildhibaan oo muxaafad ah oo taageersan”

Afhayeenka ayaa sheegay in uu aad ugu niyadsan yahay in Cabdikariim noqon doono duqa  caasimada Hargaysa.“ ALLE dayici mayo dadaalkii ay sameeyeen dadka gobta ah ee gobolka Maroodi jeex, waxanan isleeyahay ALLE  xagiisa ayaa laga aqbalay, rajo wayn baannan ka shakhsi ahaan ka qabaa in Cabdikariim uu noqon doono duqa caasimada”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here