Gollaha baarlamaanadda Kenya iyo Somaliland ayaa hormood u noqonaya diblomaasiyad taageerta dadaallada dowladdaha

0
782

Nayroobi (Dawan)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanadda Kenya ayaa ballanqaaday inay xukuumadooda ka dalban doonaan dedejinta fulinta heshiisyadii dhexmaray Somaliland iyo Kenya, waxaanay sidaasi kaga dhawaaqeen munaasibad lagu abuuray gole baarlamaanada labada waddan oo horumariya iskaashiga siyaasadaha dhaqan-dhaqaale iyo ganacsi.
Golaha baarlamaanadda Kenya-Somaliland ayaa hormood u noqonaya diblomaasiyad baarlamaaneed oo taageerta dadaallada dowladdaha iyo in la fududeeyo lagana qaado wixii caqabado ah xafiisyada ka shaqeeya labada dal.
Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Md Liibaan Yuusuf iyo Xildhibaanada Sophia Cabdi Nuur oo laga soo doorto deegaanka Ijaara, ahna gudoomiyaha golahan ayaa kala saxeexday war-murtiyeedka lagu dhisay golaha iskaashiga Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya, munaasibad shalay ka dhacday caasimada Nayroobi.

Xildhibaan Safiya ayaa ku bogaadisay doorashadii nabada, kalsoonida iyo hufnaanta lahayd ee qabsoontay 31-kii May waxaanay casuumad u fidisay xildhibaanada cusub ee la doortay golaha. “Somaliland waxay caalamka u muujisay inay runti tahay dal dimuqraadi ah iyadoo qabatay doorashooyin hufan 31-kii May,”Ayay tiri Sophia Noor.

Abuuritaanka gollaha Baarlamaanada Somaliland iyo Kenya oo daba socday kulankii dhex maray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi Cabdi, dhamaadkii bishii Diseembar, ayey mudanayaasha baarlamaanka Kenya ku ballanqaadeen inay dowladooda ku riixayaan dedejinta & fulinta heshiisyada ku xusan war murtiyeedka ay kala saxiixdeen labada Madaxweyne Kenyatta iyo Biixi.
Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Md Liibaan Yuusuf oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay mudanayaasha baarlamaanka Kenya siiyeen Somaliland sannadihii la soo dhaafay isagoo intaas ku daray in golaha cusub xoojin doono xidhiidhka ka dhexeeya sharci-dejiyayaasha labada dal.

“Wadahadalkan wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labadeena dal,”Ayuu yidhi Mudane Liiban.

Munaasibadda lagu abuurayey gole xildhibaanda Somaliland iyo Kenya oo loogu talagalay in lagu xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada wadan ayaa ah waddo lagu dardar-gelinayo laguna dhiirrigelinayo is-dhex-galka gobolka iyadoo loo marayo iskaashi dhaqaale, ganacsi iyo nabadgelyo ayey ka soo qeybgaleen xildhibaano badan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, Badhasaabo gobolada Kenya qaarkood, iyo martisharaf kale, gabadh uu dhalay Raysal-wasaarahii hore Kenya Odinga, Rosemary Odinga.

Hon. Sophia Abdinoor- Gudoomiyaha, Kutlada Kenya-Somaliland, H.E Ali Korane-Badhasaabka Garissa, H.E Abdi Issa (Badhasaab-xigeenka Isiolo) MP; Sen. Maxamuud Macalin (Mandheera), Mudane. Esther Passaris (Nairobi Women Rep), Mudane. Rehema Dida Jaldesa (Isiolo), Sen. Farhia Haji (Senator), Hon. Nasri Sahal, Mudane. Cabdikariim Cismaan (Faafi), Mudane. Kuulow Xasan (Baanisa), Mudane. Babu Owino (Bariga Embakasi), Hon. Mishi Mboko (Likoni), Hon. Ali Wario (Bura), Hon. Aadan Xaaji (Mandheera Galbeed), Amb. Abubakar Ogle, halka dhinaca Somaliland ay goobjoog ahaayeen Mudane. Liban Yussuf, Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Amb. Baashe, Wakiilka Somaliland ee Kenya, Siyaasiyiinta Maxamed Cabdillahi Cumar, Wasiirkii Arrimaha Dibedda xukuumadii hore Kulmiye, sida Md Xuseen Cali Ducaale (Amb Cawil) ganacsato iyo muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee degan Kenya.

Leave a Reply