86 Ceel Biyood oo laga Hirgaliyey Galbeedka Magaalada Hargeysa

0
454

Qore Khadar M. Xaashi
Hargeysa (Dawan):-Deegaanka Dhaboolaq ee galbeedka magaalada Hargeysa, ayaa laga hirgeliyay ceelal biyood oo ay tiradoodu dhan tahay 86 ceel, kuwaas oo dadka iyo xooluhuba ay ka cabbaan.

Ceelashaas ayaa waxaa si tabarucaad ah u soo bixiyey dad muxsiniin ah oo dalka dibediisa jooga, isla markaana u badan haween.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Aadan Siiro, oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Somaliland, ayaa dhagax-dhigay lix ceel biyood oo cusub oo laga hirgelinayo deegaanka Dhaboolaq ee degmada Fara-weyne.
Dhanka kale waxaa uu Sheekh Aadan Siiro cidda masuulka looga dhigayo ceelasha la qodayo uu ka codsaday in ay xil iska saaraan ilaalinta iyo daryeelista ceelashaas, isla markaana ay dhooba-qaadaan, dadka iyo xoolahana aanay u diidin ee ay si siman uga wada cabbaan.

Sheekh Aadan Siiro isaga oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Rasuulku waxaa uu yidhi sadaqo la bixiyo waraab biyood ayaa ugu wanaagsan, hore meeshan laba iyo lixdan ceel oo hore ayaa la qoday, dadkana waxaa aanu u sheegayna ceelka marka la qodo waa waqfi umadda oo dhan ka dhaxeeya qofka lagu magacaabay isaga ayaa ilaalinaya isaga ayaa sabadiisa laga qodayaa, isaga ayaa ku intifaacaya balse waa inuu dhooba qaado oo uu ilaaliyo dadkana, qofna aanu ka celin iyo xoolaha.

ILLAAHEY danbigiina ha dhaafo, dariiqa jannadana ALLE ha idin mariyo, waqfiga ay bixiyeena ALLE haka aqbalo.”

Leave a Reply