Sida Dalka looga tahriibo ayaa Af-Soomaaligiina looga Yaacay”Abwaan Gorgor

0
723

Dhaqanka iyo Suugaanta

Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Abwaan Daahir Aadan Xaamud oo loo yaqaanno Gorgor waa suugaanyahan ka tirsan waaxda wacyi-gelinta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee Goodir. waxa uu curiyey gabayo badan oo ka hadlaya nabaad-guurka deegaanka, nabadda, afka iyo Dhaqanka.
Waa hal-abuur fiirro dheer oo uu alle hibo u siiyey nooca curinneed ee ugu xeesha dheer Maansada Suugaanta, kuna foogan baraarujinta waxyaabaha lama huraankaa ee laf-dhabarta u ah nololsha iyo jiritaanka dhaqan-dhaqaale ee bulshada, nabadda oo salli u ah xasiloonida iyo waaritaanka nololsha aadamaha, waxaanu si qoto dheer uga maansooday xaalufka iyo axmaqnimada lagu hayo Dhulka.

Waraysi Kooban oo Barmaamujka dhaqanka iyo Suugaantu todobaadkan kula yeeshay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa aanu wax kaga waydiinay sooyaalkiisa suugaan-curineed iyo arrimaha uu inta badan diirrada ku saaro, waxaanu soo qaaday gabayo dhowr ah oo ku saabsan dhamaantood qodobada aynu kor ku soo xusnay ee la xidhiidha u-dareen-lahaanshiyaha hal-bowlaha nololsha Bulshada.

“Gabayada aan tiriyey waxa kamida Mareegaha maahmaahyada oo ka hadlaya af-soomaaliga sii dabar-go’aya amma lumaya. Gabayga Dhalan-dhool oo ka hadlaya Dhirta iyo nabad-guurka lagu hayo Dhulka, Gabayga Dayax-nabaddeed oo isna ka sheekaynaya nabadda iyo qiimaheeda. Gabayga Gar Xayawaan ayaa isna jira.

xagga heesaha kuma badni balse waxa jirta hees la yidhaahdo HADHKA-NABADDA oo waddani ah oo ay wada qaadaan Tiriig Xaashi Kaahin iyo Canab Aw Diiriye. waxa aan sameeyey heestaasi 2016-kii. hees kale oo fiirro dheer la yidhaahdo ayaa jirta oo ka hadlaysa xididka iyo Dhaqanka”ayuu yidhi Hal-abuur Gorgor oo intaasi raaciyey “curinta suugaantu waa hibo alle bixiyo, aniga Aabahay ma gabyi jirin, laakiinse waxa gabyi jiray Awoowgay iyo Ayeyday Hooyo, aniguna ilaa yaraantaydii waan curin jiray Suugaanta”
Daahir Aadan Xaamud, sida uu waraysigan ku sheegay waxa uu iminka ku howlan yahay sidii uu Buug ugu soo saari lahaa Suugaantiisa kala duwan iyo aqoonta filasoofiyaddeed ee ku duuggan maskaxdiisa, kaasoo uu doonayo inuu ku baraarujiyo bulshada wakhtigan joogta, isla markaana uu dhaxal uga dhigo jiilka soo socda.

Buuggan ayuu sheegay inuu si gaar ah ugu waajahan yahay “Buuggaasi wuxuu ku wajahan yahay Afsoomaaliga lumaya ee sii dabar-go’aya” – “sida waddanka looga tahriibayo ayaa Af-soomaaligiina looga yaacayaa oo looga ordayaaba. meel kasta oo aad aragto waxa ku qoran magacyo Afaf kale laga soo qaatay, Afkeenii Soomaaliga ahaana waaba la ilaaway. kolkaa buuggaasi wuxuu ka hadlayaa dabar-go’a afkeena, dunida Islaamka iyo waxyaabaha ka dhacaya, nabaad-guurka Deegaanka iyo waxyeellada Jaadku ku hayo bulshadeena”
Daahir Aadan Xaamud oo aanu waydiinay nololshiisa qoysnimo, waxa uu sheegay in uu yahay Aabo Laba Xaas leh. Waxa aaminsanyahay in nololsha iyo nimcada dalku ay tahay nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka ka taabo gashay.

Isaga oo ka hadlaya xidhiidhka ka dhexeeya nabadda iyo nololshada waxa uu yidhi “Nin-baa laba fallaadhood ku wada dhaceen. mid waxay kaga dhacday Badhida, midna waxa ay kaga dhacday oo fadhiisatay qaarka sare ee soo jeedka. wuxuu u yimi dad. say ku yidhaahdeen waar teebaanu kaa hor goynaa? wuxuu yidhi waar horta aan fadhiistee ta badhida ku taalla iga gooya” waxaan uga socdaa Nabaddu waa salka. nabaddu waa gunta, marka nabad la helo ayey cibaadada iyo wax waliba hagaagayaan”

Xigmada Suugaantu dhamaan mayso, haddaan dadkeedu dhamaanin. waxaana xusid mudan in dareenka Abwaan gorgor ee ah welwelka ka haya mustaqbalka Afkeena Soomaligu uu yahay mid u baahan in kor loo qaado, Qaran ahaan iyo qoomiyad ahaana lagu dhiirado sidii loogu faro-adaygi lahaa, sababtoo ah Umad kastaaba waxay wax ku tahay horumarinta Dhaqankeeda iyo Afkeeda.

Ugu dambeyn waxa aanu qormooyinka dambe idiinku soo gudbin doonaa xidhmooyin kamida Gabayada Daahir Gor-gor, innagoo si taxane ah idiinku soo gudbin doona haddii alle ka dhigo.

Leave a Reply