Xukuumadda Somaliland oo Bilaabaysa wajiga labaad ee tallaalka Covid-19

0
423

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in ay bilaabayso bixinta wajigii labaad ee tallaalka Covid-19.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Maxmed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in wasaaradiisu ay diyaarisay wajiga labaad (second shot), ee tallaalka Covid-19.

Dr. Xargeeye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Waxan doonayaa in aan dadweynaha la wadaago in wasaaradda caafimaad ku ay bilabayso wajiga labaad ee tallaalka Covid-19″

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi.”Wasaaraddu waxa ay baryahaaba waday in ay diyaariso wajigi labaad ee tallaalka wayna ku guulaysatay”

Agaasimaha ayaa dadwaynaha ku booriyay in ay qaataan wajiga labaad (second shot) ee tallaalka.

Tallaalkan ayaa loogu talo galay dadkii qaatay wajigii kobaad ee tallaalka oo sugayay in ay qatay markii labaad.

Leave a Reply