Weligeed Hawlgab May Noqon Iyado 91 Jir ah!

0
546

Yasuko Tamaki oo dalka Japan u dhalatay weligeed fikirka hawlgabnimadu maskaxdeeda kuma soo dhicin.Islaanta Yasuko Waxa ay dhalatay 15-kii May sanadkii  1930, hadda da’ ahaan waa 91-jir waxaana ay ka shaqeysaa shirkadda Sunco Industries – oo ah shirkad ganacsi taasi oo ay shaqada ka bilowday sanadkii 1956, waxaana ay ka gaadhay inay noqoto maamulaha shirkadda.

Waxaana  hadda loo aqoonsaday inay tahay maamulaha xafiiska ugu da’da weyn howlaheeda muddada dheer ee shirkadda ay hawshaasi u haysay awgeed. Markii ay heshay shahaadada rasmiga ah ee Guinness World Records, ( diiwaangelinta arrimaha cajiibka ee caalamka) waxa ay mahad celin ka muujisay goobteeda shaqada waxaana ay tidhi :”Waxa kaliya ee aan sameeyay waxa ay ahayd wixii aan filayay inaan sameeyo 90 sano, marka ma garanayo waxaan idhaahdo , waayo runtii waan gaadhay waxaan qorsheeyay.”

Yasuko hadda waxa ay ka shaqeysaa xafiiska xisaabaadka, iyo mushaaraadka shaqaalaha iyo gunooyinka, taasi waxa ay ka dhigan tahay inay guriga ku soo adeegsato barnaamijyada PC-ga sida Microsoft Excel oo u fudaydinaya hawlaha xisaabaadka, madaama ay da’ ahaan weynaatay.

Markii la weydiiyay sida ay ugu suurta gashay inay ku guuleysato heerkan oo kale, Yasuko waxa ay ku jawaabtay: “Waxaan u maleynayaa inay tahay dadaal iyo feejignaan. Waxaan marwalba niyadda ku hayay  inay tahay arrin muhiim ah inaan caawiyo qof. Mar kasta waxa aan jeclaa oo ku dadaali jiray inaan sameeyo waxyaabo ka dhigaya gudoomiyaha, maareeye iyo shaqaalaha kale ee farxadda badan , taasina weli yoolkeyga inta aan noolahay way ku jiraysaa, inaa noqdo qof qiimo leh oo nolosha meel sare kaga jira. Iyo weliba in aanan noqon qof la yaso, iyadoo shaqo xumadiisa iyo dadaal yaridiisa lagu dhaliilayo.

Yasuko Waxa ay sidoo kale ku qanacsan tahay isticmaalka barnaamijka Facebook ee taleefankeeda casriga ah! Waxaana ay shaqaysaa toddobaadkii 5 maalmood oo maalintiiba ay shaqada ku jirto 7.5-saacadood, sida xubnaha shaqaalaha ah kale..

Sida laga soo xigtay Yasuko, ma jirto wax la yiraahdo hawlgab iyada ah. “Sanadkiiba mar markuu dhamaado, markaa mid kale ayaa jira. Marka waxaan rajeynayaa inaan sidaan kusii socdo.”

Markii la soo bandhigayay shahaadada, Yasuko waxay asxaabteeda u sheegtay inay la noolaadaan si xoog leh oo maskax leh “haddii aad maanta khasaariso, markaa berri ma jiri doono.”

Markii ay heshay shahaadada rasmiga ah ee Guinness World Records, waxay mahadcelin ka muujisay goobteeda shaqada. “Waxa kaliya ee aan sameeyay waxay ahayd wixii aan filayay inaan sameeyo 90 sano, marka ma garanayo waxaan idhaahdo! Runtii waan taabtay.”

Yasuko waxay hay’adda ka shaqeysaa xisaabaadka xafiiska, xisaabinta mushahaarka shaqaalaha iyo gunooyinka, iyo sidoo kale xisaabinta dakhliga; taasi waxay ka dhigan tahay inay guriga la joogto barnaamijyada PC-ga sida Microsoft Excel oo ay ku soo shaqayso.

Waxay sidoo kale ku qanacsan tahay isticmaalka barnaamijka Facebook ee taleefankeeda casriga ah! Laakiin weli waxa ay timaadaa shirakdda iyadoo shaqeysa 5 maalmood toddobaadkii oo muddo dhan 7.5-saacadood maalintii, sida shaqaalaha kale e shirkadda.

Leave a Reply