Hay’adda dhowrista Tayada Qaranka oo duleedka Berbera ku gubtay 11 Koontiinar oo badeecad dhacday ah

0
429

Qore. Saleeban Kalshaale

Berbera(Dawan)-Hay’adda dhowrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa goob fagaare ah ku gubtay Badeecad wakhtigeedii dhacay oo ay ku qabatay Dekedda Berbera muddo haatan laga jooggo sanad ku dhawaad oo ay dalka keentay Shirkad ay wada leeyihiin ganacsato isugu jira Ajaanib iyo muwaadiniin u dhashay Somaliland, shirkaddaasoo ay Hay’addu kala noqotay Liisanka, kuna ganaaxday lacag uu ku jiro kharashka lagu gubay shixnadaasi.

Shixnadan baddeecada ah oo isugu jirta Caano iyo Sharaab, ganacsatadii lahaydna ay qaarkood ajaanib ahaa baxsadeen markii lagu qabtay, ayaa Munaasibad lagu gubay oo lagu qabtay duleedka Magaalada Berbera, waxa ka soo qaybgalay Madaxda Hay’adda dhowrista Tayada Qaranka, Badhasaabka gobolka Saaxil iyo masuuliyiin ka socda laamaha dawladda ee heer gobol iyo Degmo.

Guddoomiyaha hay’adda dhowrista Tayada, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo ka hadlay goobta lagu gubay Badeecaddan, ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladihii ay soo martay baadhista iyo gubista shixnadani, waxaanu sheegay in dekedda lagu qabtay 11 Bilood ka hor tan iyo wakhtigaasna hay’addu ku howlanayd sidii fagaare loogu gubi lahaa, bulshada Shacabka iyo adduunkana loogu bandhigi lahaa in dalku uu leeyahay nidaam iyo sharci ka ilaalinaya wax kasta oo dhaawac nololleed iyo dhibaato ku keenaya muwaadiniinta.

Guddoomiye Muuse, waxa uu sheegay inay si joogta ah dagaal ugula jiraan baddeecadaha tayadoodu liiadato ee waddanka loo soo waaridayo, isagoo mahad naq u jeediyey laamaha kale ee Dawladda ee kala shaqeeya la socodka iyo qabashada bucsharadaha ganacsi ee dhacay amma sifooyin kale halis u noqday.

Guddoomiyaha ayaa isagoo arrintaasi ka hadlay yidhi “halkan maanta waxa lagu gubayaa alaab ka kooban 11 Koonteenar oo caano iyo sharaab isugu jira oo muddo sanad ku dhow Dekedda yaallay, mudaddaaas oo ah 11 bilood ahna aanu laamaha dawladda, sida Maamulka Dekedda, Shirkadda DPWORLD, qaybta maraakiibta iyo ganacsatadii keentay oo isugu jira Ajaanib iyo muwaadiniin kala shaqaynaynay sidii aanu ula wareegi lahayn ee aanu sharciga u marin lahayn.
Alaabtan markii aanu qabanay iyadoo wakhtigeedu aad u soo dhawyahay ayey ka baxsadeen Nimankii ajaanibka ahaa, taasoo annaguna aanu sida xeerkayagu dhigayo waajibkayagii ka gudanay, iyadoo wakhti badan ay qaadatay in aanu Sharciga la tiigsano dadkii ka masuulka ahaa ee muwaadiniinta ahaa, taasoo ay nagala shaqeeyeen xeer-ilaaliyaha guud, nagala shaqeeyeen wasaaradda Ganacsiga. Shirkadii keentay alaabtan annagoo adeegsanayna xeerkayaga qodobkiisa 39-aad ayaanu kala noqonay Liisankii, wixii khasaare ka yimi ee halkan ka dhacayna lagu qaaday, si alaabtan loogu gubo”
Guddoomiyaha Hay’adda dhowrista Tayada Somaliland isagoo hadalka sii wata waxa uu intaasi ku daray inay jiraan ganacsato faro ku tiris ah oo caadaystay soo dhoofinta badeecado tayo xun, kuwaasoo uu sheegay inay gacan bir ah kula dagaalamayaan.
“waxa jira dad badan oo ganacsato ah oo muwaadiniin iyo ajaanib ah oo dalka si wanaagsan uga shaqaysata iyo in yar oo wali aaminsan in aanay dalka ka jirin nidaam iyo masuuliyad ka saaran in laga ilaalinayo umadda wixii xumaaday. kuwaana waxaanu u sheegaynaa in aanu sharciga iyo xeerka adeegsanayno oo aanu ka hortagayno baddeecad kasta oo tayadeedu xumaatay wakhtigeedu ha jooggo ama ha dhamaadee”ayuu yidhi.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Isuduwaha Hay’addaha Dhowrista tayada ee Gobolka Saaxil Maxamuud Saleeban Xaaji Ducaale, Maamulaha Kastamka Berbera Axmed Habane iyo xubno kamida Guddida Hay’adda dhowrista tayada oo iyaguna halkasi hadlay ayaa sheegay in qaranka oo dhami meel adag ka taagan yahay xakamaynta cuntooyinka iyo badeecadaha kale ee khatarta ku ah nololsha dadka, duunyada iyo deegaanka.

Maamulaha Kastamka Berbera, ayaa si gaar ah u sheegay inay Dekedda ka madnuuc tahay in lagu cashuurro badeecad dhacday amma tayadeedu xun tahay, shay kasta oo laga shakiyana aan cashuur laga qaban ilaa Hay’addu xaqiijiso.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi oo isaguna goobtaasi ka hadlay, ayaa Hay’adda Dhowrista tayada qaranka ku amaanay shaqada culus ee ay qaranka u hayso iyo sida heeganka ugu tahay fulinta waajibaadka loo aasaasay, isagoo bulshadana uga digay iibsadaan amma isticmaalaan alaabta dhacday amma aan lahayn tixraaca tayeed.

Badeecadan ayaa waxa lagu gubay meel ka baxsan Magaalada Berbera, waxaanay talaabadani qayb ka tahay howl-gallo ay si joogto ah Hay’adda Tayada Qaranku ugu beegsato cuntooyinka iyo badeecadaha kale ee dhacay amma ay tayadoodu ka hoosayso heerka lagu isticmaaali karo.

Leave a Reply