WAX KALA JIIDASHADA IYO KALA XODXODASHADU XAARAAN KAMA AHA NIDAAMKA DIMOQRAADIYADDA

0
860

 QORE:- CABDILLAAHI AADAN CUMAR [ WAYAB ] 

Waxa lagu kala baxay tartankii labada doorasho ee isa saaraan ee Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada ee dalka oo tirada musharraxiinta guud ahaan ka kala tartamayey Sadddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI IYO KULMIYE ay ahaayeen 793 Musharrax, iyadoo uu tartame kastaa uu ku ololaynayey xeeladdii uu ku guuleysan lahaa oo ay ka reebban yihiin adeegsi  xoog, boob iyo xasarado kale oo raad ku yeelan kara habsami u socodka doorashada iyo natiijadeeda.

Tartammada doorashooyinka, waxa lagama maarmaan u ah, in Musharraxa tartamayaa la hor-yimaado fagaarayaasha iyo kulammada kale ee albaabadu u xidhan yihiin ee uu la yeelanayo taageerayaashiisa barnaamij cad iyo sidoo kale xeeladaha iyo farsamooyinka kale ee uu u arko inuu ku kasban karo quluubta taageerayaashiisa, isla markaana kusoo jiidan karo taageerayaal kale oo cusub, isaga oo ka fogaanaya musharrax walba wax kasta oo ka horimanaya nidaamka Dimoqraadiyadda ee tartanka Axsaabta tirada badan.

Musharraxiinta ku kala tartamayey magacyada Axsaabta kala duwan ee ku guuleysta inay ka mid noqdaan Xubnaha Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada, waxa u bilaabma tartan kale oo hor leh oo lagu kala xulanayo hoggaamiyayaasha labadaa Gole, waxana dhacda in Xisbiyada qaarkood sameystaan isbahaysi sida ay haatanba UCID iyo WADDANI u sameysteen isbahaysiga, si ay ugu guuleystaan Madaxda kala hoggaamin doonta Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada.

Haseyeeshee geesta kale waxa Xisbiga KULMIYE ee ay iska bahaysteena u bannaan oo uu xor u yahay inuu ka dhex ololeeyo Xildhibaannada kasoo kala baxay labada Xisbi ee is gaashaanbuureystay, maadaama uu ogsoon yahay in aanay Xildhibaannadu ahayn kuwa ku qasban inay raacaan oo u codeeyaan, cid kasta oo ay u gartaan Hoggaamiyayaasha isbahaysigu inay noqdaan Madaxda sare ee Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada, waayo xildhibaan walba waxa uu leeyahay damac iyo yoolal u calaamadsan oo uu jecel yahay inuu ku sii tallaabsado muddadaa xilka loo doortay oo danta Qaranka ka sakow ay ka mid yihiin danaha  degaannadii uu kasoo baxay.

Nidaamka dimoqraadiyaddu waxa uu oggol yahay in Axsaabtu yeelan karaan isbahaysi, sidoo kalena waxa uu nidaamkani jideeyey oo bannaan, in Xisbi kastaa ka dhex sameyn karo Golayaasha sharci dejinta, Degaannada iyo  arrimaha kale ee siyaasaddaba uu ka dhex ololeyn karo Xildhibaannada xubnaha ka ah Golayaashaasi ee kasoo kala jeeda Axsaabta kale, isagoo adeegsanaya xirfadaha wax isla oggolaanshaha iyo wax isku ogglaanshaha, maadaama ay yihiin waxa la kala jiidanayaa dano siyaasadeed oo heer Qaran, heer Degaan iyo kuwa kaleba isugu jira, balse aanay kolleyba dhinaca kalana ka madhneyn danaha shakhsi ee gaar ahaaneed sida damaca mid ka mida kuraasta Madaxnimada.

Haddaba iyadoo uu sidaa yahay nidaamka aan ku dhaqano ee aan qaadanay, ayey maalmahan u dembeeyey Madax badan oo ka tirsan labada Xisbi mucaarid ee isku bahaystay Xisbiga KULMIYE iyo xubno kale oo ka mida siyaasiyiinta dalkuba,  ay dhaleeceyn uga dhigayeen  Xisbul Xaakinka iyo Xukuumaddiisa ololaha ay ka dhex wadaan xildhibaannada kasoo kala baxay saddexda Xisbi Qaran, si ay taageero ugu raadiyaan xildhibaanka ay la doonayaan inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyadoo ujeeddada ay ka leeyihiina tahay in shacbiga ay ugu sawiraan ololahaasi inuu yahay mid khaldan oo wax u dhimaya sidii fiicneyd ee doorashadii labada Gole ku soo dhammaadeen.

Labada Xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI  iyagoo isku bahaystay Xisbul Xaakinka KULMIYE, ayey haddana dhinacooda kaga jiraan olole la xidhiidha sidii ay u mideyn lahaayeen aragtiyaha xildhibaannada ee kala duwan ee ku lug leh cidda labada Guddoomiye ee UCID iyo  WADDANI la rabaan inay kala qabtaan  Xilalka Shir-guddoonka oo kala ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa Guddoomiye ku-xigeen, taas oo gaadhay heer ay hudheel ka baxsan magaalada oo ku yaal  dhinaca galbeed  ku ururriyaan hadba xildhibaannada ay soo xodxodtaan, haseahaatee iyadoo ay sidaa ula dhaqmayaan xildhibaannada oo ay ka qaadeen xorriyaddoodii, ayey haddana Xisbul Xaakinka iyo Xukuumaddiisa ku eedeynayaan ololaha uu kusoo jiidanayo ama ku soo xodxodanayo Xildhibaannada usoo baxay Golaha Wakiillada.

Labada Xisbi Qaran waxa la gudboon in aanay shacbiga dhegaha uga sii buuxin hadallo majaro habaabin ah oo aan sharci ku saleysneyn, kana fog runta oo laga yaabo, in hadhaw hadday xaaladdu noqon weydo sidii ay doonayeen ay arrintu noqoto sidii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Mr. Donald Trump ee taageerayaashiisa  guul been ah dhegaha uga sii buuxiyey, kadib markuu lagu dhawaaqay inuu guuldarreystayna ay taageerayaashiisii oo rumeystay beentii uu sheegayeyna weerar ku ekeysiiyeen 6dii Jan 2021 Aqalka cad ee Mareykanka oo si kama dembeysa lagaga dhawaaqayey Guushii Madaxweynaha cusub ee Joe Biden,halkaas oo si dirqi ah markii dembe looga daadgureeyey Mudanayaashii kasoo kala jeeday labada Xisbi ee Republican-ka iyo Dimoqraadiga oo uu ku jiray Madaxweyne ku-xigeenkkii Trump oo ahaa kii ku dhawaaqay guushii Madaxweynaha cusub.

Leave a Reply