Dawladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray kaga dhawaaqday xabbad joojin, siddeed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.
Ku dhawaaqista arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dawladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.
Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan.
Isniintii, waxa soo baxay warar sheegaya in dagaalyahannada Tigray-gu – kuwaas oo weerrar cusub soo bilaabay todobaadkii tegay – ay maamulkii ku meelgaadhka ahaa ka saareen magaalada Mekelle.
Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay haatan gacantooda ku jirto.
Tiro dad ah oo ku sugan magaaldaa Mekelle ayaa BBCda u sheegay inay u dabaaldagayaan bixitaanka ciidammada federaalka.
Ila wareed aanan la magacaabin oo ka tirsan dawladda ku meelgaadhka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP “qofwalba waa uu baxay”, halka laba qof oo goobjoogayaal ah oo u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in askar Tigray ah lagu arkay gudaha magaalada Mekelle.
Dawladda Itoobiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin wararka sheegaya in ciidammadeeda ay dib u guranayaan oo ay ka baxeen Magaalada Caasimada ee gobolkaasi.
Hasayeeshee bayaan la shaaciyay gelinkii dambe ee Isniinta ayaa waxa lagu faafaahiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan xabbad joojinta, iyadoo bayaanka lagu sheegay in xabbad joojintu “ay socon doonto illaa uu ka dhammaanayo xilliga beeraha”, in gargaarka loo ogolaado inuu gaadho dadka u baahan iyo in fursad la siiyo habkii xal siyaasadeed lagu gaadhi lahaa.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo Isniintii khadka taleefan kula hadlay Mr Abiy, ayaa sheegay in “muhiim ay tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah, gargaarka uu gaaro dadka u baahan iyo in la gaaro xal siyaasadeed”. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxa uu ku “rajo waynaa” in xabbad joojin ay dhaqangasho.