Maayerka cusub ee Hargeysa galka seefta kala baxay, xilkiina la wareegay

0
1014

Hargeysa(Dawan)-Duqa cusub ee Caasimda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ku-xigeenkiisa Khadar Axmed Cumar iyo golaha Deegaaka ee lala doortay, ayaa maanta shaqada kala wareegay Golihii hore iyo Madaxdoodii munaasibad lagu qabtay xarun dawladda hoose ku leedahay Galbeedka Magaalada, halkaasoo lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo agaasimay.

Xaflada oo kulmisay madax iyo marti-sharaf tiro badan, ayaa waxa khudbad dheer ka jeediyey Maayirka cusub Cabdikariin Axmed Mooge, kaasoo farriimo u badan dalab wada-shaqayneed oo bulshada ku wajahan iyo tallooyin u jeediyey bulshada Caasimada.
Waa xaqiiq Olollihii waa dhamaaday, Shaqadiina waa bilaabantay, shacabka waa run markii olollaha lagu jiray wax badanbaanu u sheegnay sidiibay dhab nooga tahay, wixiina waa la qabanayaa.
Laakiinse sida la sheegay laba kun iyo Boqol iyo jarjar ayaa ka shaqeeya Dawladda hoose, Cashuurta la bixiyana waxa xerooda boqolkiiba shan iyo soddon (35%), sababtaa darteed ayaan doonayaa in aan shacabka ula hadlo.
“Shacabkoow waxa lagaa rabaa in aad cashuurta bixiso. in aad wax ka bedesho hab-dhaqankaaga nadaafada oo aanad qashinka iyo xashiishka aad isticmaashay waddooyinka ku tuurin. in aanad xoolahaaga magaalada ku soo daynin, annaguna wixii aanu kuu balanqaadnay waa waxa aanu ku dhaaranay oo ah in cashuurta lagaa qaadaa Qasnada ku dhacdo oo aanay meel kale marin oo ay ka soo baxdo iyadoo wax laguugu qabanayo” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Mooge.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Deegaanka Hargeysa waxa kale oo uu si cad u beyaamiyey, isagoo ku jaangooyey arragtidiisa iyo xaqiiqada horumarka loo baahan yahay “haddaad isbedel doonaysaan Ilaa qofka hab-dhaqankiisu isbedelo, hargeysa isbedeli mayso”
Cabdikariin ayaa ka dalbaday Ganacsatada reer Hargeysa inay kala shaqeeyaan dhismaha Biriij saddexaad oo ay magaaladu hesho.
“Walaalaheena Ganacsatada ah,waxa Magaalada Hargeysa ayaad ka shaqaysataan oo alle wax idinku siiyey. boqolkiiba 25 kamida dadka reer Somaliland ayaa ku nool, taas micnaheedu waxa weeye haddaad ganacsi doonayso waa in aad Hargeysa ku dhex ganacsataa. haddaba marka uu Roobku da’o Magaalada Labada Biriij way ka xidhmaan. waxaanu idinka codsanaynaa inaad nala dhistaan Biriij saddexaad oo ay Magaaladu yeellato”ayuu yidhi.
Maayir Cabdikariin waxa uu intaasi ku daray in Magaalada Maamulkeeda la daadejin doono, isla markaana la tartansiin doonno degmooyinka, taasoo uu ku micneeyey jidka horumarinta iyo helida waxqabadka Dawladda hoose oo uu sheegay in degmo waliba wixii ay soo saarto heli doonto.
“Degmooyinka Hargeysa waa is ogyihiin. degmo waliba waxa ay soo saarto waatii la sheegay. tartanbaa la gelayaa, Degmo kastaa cashuurta ay bixiso ee soo saarto ayaa wax loogu qabanayaa. degmo walbaay marka maamulka laguu soo daadejiyo ee guddidii horumarinta laguu sameeyo adigu dhaqaaq oo cidna ha sugin. Hargeysa ma soconayso inay noqoto Xafiis dawlad hoose oo maamulka oo dhami ku soo uruurro, Caasimad sidaa ku noqon mayso, kuna horumari mayso, siddeeda degmoba Maamulka waa loo daadejinayaa inshalaah dabeeto way tartamayaan oo siddeed dawlad hoose oo yaryarbay noqonayaan, degmadii wax qabsatana waa la horumarinayaa”
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maayirkii hore golihiisa cusub u noqon doono oday lagu ixtiraamo saddex arrimood oo kala ah:- “Cabdiraxmaan Golaha cusubi wuxuu siinayaa xurmada uu ku leeyahay ee ah inuu yahay Maayirkii hore ee caasimada. wuxuu sidoo kale siinayaa inuu yahay xubin annaga naga mida oo aanu ku siinayno inuu yahay Odaygii Golaha. sidoo kale Cabdiraxmaan Cimri uma hadhine inuu Oday reer Hargeysa ah yahayna xurmada waa ku siinaynaa”.

Masuuliyiin kala duwan, xubno isugu jira waxgarad iyo haldoor kale, ayaa golaha iyo maayirka cusub halkaasi uga jeediyey dardaaran iyo duco la xidhiidha howsha baaxad leh ee sugaysa.
Waxa ay sheegeen inay la shaqeyn doonaan, bulshada ay ku boorinayaan inay garab u noqdaan golaha ay doorteen iyo maamulkooda.

Leave a Reply