Wasiirka Arrimaha gudaha oo kula dardaarmay wada shaqayn iyo dulqaad Golaha Deegaanka Hargeysa

0
376

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibad ay maanta xilka kula kala wareegeen Maayerkii hore ee Caasimada Hargeysa iyo duqa cusub, ayaa kula dardaarmay guud ahaan goleyaasha deegaanka ee dalka ee lagu doortay Doorashadii qabsoontay 31-kii May inay yeeshaan wada-shaqayn maamulkooda iyo xubnaha doortay, sidoo kalena dulqaad iyo dhul-is-dhig ugu shaqeeyaan bulshada.
Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in maayirrada iyo goleyaasha laga soo doortay asxaabta kala duwani ay ku shaqeeyaan midnimo iyo isku-arragti, isagoo si gaar ah ula dardaarmay Maayirka iyo xubnaha xilka Caasimada Hargeysa la wareegay.
Maayerka iyo ku-xigeenka ayuu si gaar ah ugu waaniyey inay muujiyaan hogaamin hufan iyo maamul debecsan, isagoo duqii hore iyo golihiisiina ku amaanay sidii hagar la’aanta ahayd ee ay Bulshada ugu soo shaqeeyeen.
“Hogaaminta furaheeda ugu horeeyaa waa inuu qofka hogaamiyaha ahi leeyahay dulqaad, siyaasaddana waxa la yidhaahdaa adkaysi, waa lagu caayayaa, waa lagu maagayaa, waxbaa lagaa sheegayaa dee dulqaad yeello ileen adigaa soo doontaye”ayuu yidhi isagoo u hoga-tusaaleeyey Golaha cusub waxyaabaha ka dhalanaya masuuliyada xilka.
Wasiirku waxa uu ka markhaati kacay waxqabadka Maayerkii hore iyo Golihii deegaanka ee la shaqaynayey, isagoo tilmaaamay in waxqabadkaasi uu yahay mid sida iftiinka cadceeda u muuqda, waxaanu si gaar ah u majeertay qalabka iyo wershadaha ay dawladda hoose yeellatay muddadii uu xilka hayey Maayer Cabdiraxmaan Soltelko.
Sidoo kale Wasiir Kaahin, golaha Deegaanka cusub xusuusiyey in doorka Wasaaradda arrimaha gudaha ee la-xisaabtanka Dawladdaha hoose iyo Goleyaasha loo doortay, waxaanu uga digay in aanay xubnaha Golaha iyo guddida fulintu toona ku kicin wax sababi kara inay sharciga ciqaab amma talaabo adag kala kulmaan.
“Golaha Deegaanku waxay ku shaqeeyaan Xeer lr. 23 , xeerkaana waxa ku maamula wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda arrimaha guduhuna way la shaqaynaysaa. golahan Deegaanka Hargeysa wuxuu ka duwan yahay 19 gole deegaan ee kale. Maayerka iyo Maayer ku-xigeenka la doortay waa loo tartamay 17 xubnood ee kale way u codeeyeen”
Wasiirku waxa uu Maayerka cusub Cabdikariin Axmed Mooge iyo duqii horeba u jeediyey talooyin la xidhiidha adkaynta wada shaqaynta Golaha “Cabdikariin waxaan leeyahay sidii goluhu kuugu codeeyey, golaha isugu wad, cabdiraxmaana waxaan leeyahay Golaha xilbaa kaa saaran”.
Geesta kale, Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu Ganacsatada Caasimada iyo guud ahaan dalka ku canaantay bixinta Cashuurta ku waajibtay iyo inay la xisaabtamaan Golaha Deegaanka oo ay ka war hayaan hadba xaaladaha ku gedaaman.

Leave a Reply