“Madaxwaynuhu Waa Handaraab Iyo Lacag Buu Bixinayaa Kala Daaya…” Cabdillaahi Cukuse.

0
1965

Hargeysa-(Dawan)- La-taliyaha Madaxweyne Biixi ee dhinaca doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ka hadlay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ee u dhaxeeya Xukuumadda KULMIYE iyo Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland, waxaanu sheegay in cidda ay doontaa ha qabsatee uu shir guddoonka Golaha Wakiilladu yahay mid ka shaqeeya danta Qaranka Somaliland.

Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa waxa kale oo uu hadlay laaluush la sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ku soo xero-gelinayso Xildhibaannada Xisbiyada Mucaaradka ka soo baxay, waxaanu sheegay sidan:-“Sheekaddaas waa sheekaddii suuqa laba isku heli maayaan Mucaaradku inay yidhaahdaan Madaxweyne Muuse Biixi waa handaraab oo shillin lacag ahi kama soo baxo iyo inay yidhaahdaan lacag ayuu saydh saydhinayaa oo uu shir guddoonka ku iibsanayaa labadaa iskuma qabanayso, handaraabku waa handraab oo lacagiba kama soo baxdo.”

Dhanka Kalena Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka hadlay doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa yidhi sidan: “Shir guddoonka Golaha Wakiilladu waxa uu u shaqayn doonnaa cidda uu doonnaba ha noqdeen shacbiga Somaliland iyo Baarlamaanka dalka waxa uu kamid yahay uun Hay’addaha dalka ,marka xisbiyo la yahay waa lagu tartamayaa waxa la isku dayayaa cid waliba  inay iyagu ku guulaystaan  oo uu shir guddoonku noqdo mid iyaga kamid ah .”

Leave a Reply