Hargeysa (Dawan)- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ugu baaqay inay iska ilaaliyaan cuqubada ka dhalata ku xadgudubka nimcada Ilaahay SW ummada siiyo. Khudbadii Jimcaha shalay oo Sh Dirir kaga hadlay israafka ama xadgudubka, waxa keena, cuqubada ka dhalata iyo sida loo daaweeyo, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya israafka iyo fasirkiisa sheegay inuu yahay dhaafinta shay walba xadkiisa, waxa loo baahan yahay inuu dhexdhexeysto, oo xad-gudub iyo gabood-fal u dhexeeyo. Xukunkeedu waa xaraam in qofku deeqda uu Ilaahay SW siiyey daaddaadiyo. Ilaahay SW ayaa quraanka inoogu sheegay “Deeqda Ilaahay SW idin siiyey cunna oo caba, hana ku xad-gudbinna,”
Waxa kaloo islaamku inoo diiday oo israafka barbar yaala, in qofku noqdo mid adag, oo deeqdii Ilaahay SW siiyey diida inuu ku bixiyo halkii loogu talo-galay. Sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay “Bakhayl ha noqon gacantu qoorta ugu xidhan tahay, wax aad bixinaysana ha wada bixin, sid aaanad marna u cadilmin, marna u ceebaysnaan.”
Nebigu NNKH waxuu yidhi, “cunna oo caba waxii Ilaahay SW idin siiyey, dhar ka xidha, sadaqo ka bixiya, lakiin israaf iyo is-tusnimo iska ilaaliya.”
Sheekh Dirir oo ka hadlayey meelaha israafku ka iman karo, qofkana looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo, ayaa sheegay in biyahu ka mid yihiin, isla markaana sheegay in Nebiga NNKH mud (litir-badhkii) ayuu ku weyseysan jiray, laba litir ayuu ku meydhan jiray. Qof innagam mid ah waxa laga yaabaa inuu foosto badhkeed ku meydho? Dhalinyarada is-dhalaalinaya ha u badnaadeena.
Nebiga NNKH oo nin barayey sida loo weyseysto iyo inay sadex sadex tahay, ayaa talo u raaciyey ah waa sidaa weysadu. “Weysadu waa sidaa qofkii ka kordhinay ama ka naaqusa, dulmi ayuu sameeyey.”
Biyaha marka dadka iyo xoolahu u baahan yihiin, weyso, meydhasho, waraab beer ama gaadhi meydhid waa xadgudub, waa la gebagebaysanayaa.
Meelaha lagu israafi karo waxa ka mid ah wax-bixinta. Sadaqada waad bixinaysaa, laakiin haku xadgudbin. Ilaahay SW waxuu amaanay mu’miniinta “Dhaqanka mu’miniintu marka ay wax bixinayaan kuma xadgudbaan, bakhayliina maaha, arinkoodu, labada ayey u dhexeeyaan.”
Noocyada israafka waxa ka mid ah oo dadku ilbaxnimo u arkaan in guryaha aad loo qalabeeyo, oo kharash badan ku bixiyo, ha lagu arko darteed qofku isagoo guri hanti ah ama gaadhi lahayn? Xadiis saxeex ah, “Nebigu NNKH gurigii Caa’isha CS, ayuu yimi, markaa ayuu daahii fujiyey, oo yidhi annaga nalama farin inaan gidaarada dhar huwino, dadka huwiya ayaa la yidhi.” Innagana lacagteenii daahyo ayey ku baxday oo odeyga iyo islaantu isku qabsanayaan, haduu yidhaahdo innaga daa.
Israafku waxuu geli karaa waxyaalaha wakhtigan moodada, sida haduu qofku dhar bil xidhnaado uu bedlad kale xidho, bacadlaha ayaa loo camirayaa. Danno badan ayaa hadda ka dayacan.
Istaaraafka waxa ka mid ah casuumadaha oo Nebigu NNKH ku tilmaamay meelo raashinka ugu shar badan, oo dadkii cuntada aadka ugu baahna laga ilaalinayo, kuwo dheregsana la siinayo.
Aroosyada, geerida, hurdada, cimriga, dhalinyaranimada, caafimaadka dhamaantood israaf ama xadgudub ayey keenaan marka si aan wanaagsanayn loo adeegsado.
Sheekh Dirir oo ka hadlayey sababaha keena in qofku deeqda uu Ilaahay SW siiyey ku xadgudbo, ayaa sheegay inay ka mid yihiin,
In qofku aqoon-daro ka hayso diinta, ilayn haduu ogaan lahaa waxa diintu ka tidhi, wuu ka joogsan lahaa, iyo ummadani inay tahay mid dhexdhexaad ah.
In qofkan lagu soo barbaariyey israafka iyo daadinta, hadhow ka daa lagu kari mayo, ilayn wuu ku kacaamee.
In qofku dabeecada aduunyada ka dhacsan yahay, una arko inay sidan isaga soconayso badhaadhahan, oo inay busaarado ka dambayn karto ma oga.
Waxa keena in qof faqiir ahaa, marka Ilaahay SW maal siiyo, uu maalka daadaadiyo, si loo ogaado in faqrigii hore ka baxay.
La saaxiibka kuwa maalka ku ciyaara, Nebigu NNKH waxuu yidhi “Qofku waa sida saaxiibkii, ha iska ilaaliyo qofkuu noqonayo”
Waxa ka mid ah in qofku jecel yahay in dadku arkaan, oo dabadeed is muujiyo.
Ubadka, oorida iyo ehelka ayaa ka mid ah waxa keena israafka, oo qofkii masuulka ahaa maamuli kari waayo?
Sheekh Dirri ayaa sheegay in cuqubo iyo in Ilaahay SW inna naco ka dhalato marka qofku israaf sameeyo, sida aayad quraanka inoogu sheegay “Ilaahay SW ma jecla dadka waxuu siiyey ku xadgudba.”
Waxay keeni kartaa in marka qofkii afku ka weynaado, ee baahidiisu badato, uu xaaraan raadiyo, oo weji ku-maal, af-ku-maal bilaabo, isagoo sharaftiisi, tii wadanka dhamaan iibsado.
Qofku haduu xad-gudbe noqdo, sheydaan kama foga, ilayn waxii Ilaahay SW u diiday ayuu dhexgalee. Nebigu NNKH xadiis saxeex waxuu inoo sheegaya inaan waxii aynu u baahan nahay keliya isticmaalno, alaabta guryaha “Furaash ninka leh, furaash ooridiisa, furaashna martida, ka afaraadna sheydaanka” looma jeedo hadii caruur joogto dhulka seexi, laakiin, waa hadii aanay dad kula joogin, intee guryaheena sheydaan fuushan yahay.
Qofka ku xadgudba nimcada Alle, maalinta qiyaame su’aashu way ku badanaysaa? Waxa ka mid ah in barakadu ku yaraato maalkiisa.
Sheekh Dirir oo ka hadlayey waxa lagu daaweeyo ama laga gaashaanto xadgudubka oo u sheegay inuu ku badan yahay Soomaalida, waxuu sheegay inay ka mid yihiin,
Qofku inuu cidhibta arrimaha eego, haduu sameeyo maxaa ka dhalan kara? Hadii qofku, qoysku, dalku sidan ku socdo, maxaa ka dhalan kara? Waa in la isweydiiyo.
Qofku inuu go’aan yeesho uu naftiisa, ehelkiisa iyo dalkiisa ku maamuli karo. Dadku hadii aanay go’aan lahayn noloshoodu qiimo ma yeelato. Cumar binu khadaab RC ayaa maalin arkay inankiisa oo hilib badan diyaarsaday? Maxaad ku falaysa ayuu weydiiyey, markaasu ugu jawaabay, waan doonayaa? Waxuu Cumar ugu jawaabay ‘Nacasnimadaada, wax kastoo aad doonto miyaad cuntaa? Xadgudubka ayey ka mid tahay in wax kastoo aad doontid inaad cunto.
Qofku inuu eego maalmahii uu soo maray, xilliyadii qaxootiga, la gaajaysnaa, muslimiinta hareerahiisa ee dhiban eego?oo Ilaahay SW ayaa mahad leh uu qofku yidhaahdo.
Qofku inuu eego oo barto noloshii Nebiga NNKH, Caa’isha RC waxay leedahay “ilaa saddex bilood guryaha Nebiga CSW dab looma shidi jirin? Saxaabi ay habaryar u ahayd ayaa weydiiyey, maxaad quudan jirteen, Caa’isha ayaa ugu jawaabtay timir iyo biyo”
In qofku dadka ku xadgudba nimcada Ilaahay SW iskaga hadho, oo uu dadka hankoodu sareeyo la saaxiibo oo ku deydo.
Inuu aakhiro xusuusto qofku ayaa xalka xadgudubka ah iyo in hormoodka ummadu madaxda, culimadda, tujaarta, inay dadka kale tusaale u noqdaan si loogu deydo.
Sheekh Dirir ayaa sheegay in waxyaalo badan oo duruufo dhaqaale ah oo maanta ummadeena haysta, sababteeda leenahay, isla markaana gacmaheena ku jiro xalkii lagaga bixi lahaa, markaa inaynu isa saxxno ayaa muhiim ah, Ilaahay SW isagaa farajka haye, ha inna waafajiyee, aamiin.