Xildhibaan Maxamuud Xayir oo ka tanaasulay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada

0
462

Xildhibaan Maxamuud Xayir oo kamida mudaneyaasha golaha Wakiillada cusub, ee loollanka ugu jiray jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaasi, ayaa sheegay inuu hankiisa uga tanaasulay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ay Isbahaysiga Mucaaridku u xuleen inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Shir-jaraa’id oo ay jimcaha maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa labada xildhibaan ee isu tanaasulay oo uu weheliyo xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo isagu ka odayeeyey isu soo dhaweynta labada mudane, ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen sida ay uga go’antahay inay isbahaysi ahaan u dhisaan xubnaha loo xullay shirguddoonka Golaha Wakiillada.

Loollanka loogu jiro qabashada xilalka Shirguddoonka Wakiillada oo aad u soo kulullaanaya, ayaa waxa ku hirdamaya xildhibaanno ka kala tirsan xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbiga talada haya, waxaana ilaa hadda aqlabiyad xooggan ku goodiyaya dhinaca Mucaaridka oo haysta aqlabiyada xildhibaannada Golahaasi.

Xildhibaan Maxamuud Xayir oo ka soo baxay Xisbiga UCID oo uu sidoo kale ka tirsan yahay Mudane Cumar Jaamac, ayaa sheegay inaanu hankiisa dhaafsanin wax ka hooseeya go’aan mabdi’i ah oo uu ku taageeray xildhibaanka uu u tanaasulay.

Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax ayaa dhankiisa si weyn ugu mahad celiyey Xildhibaan Xayir oo uu ku tilmaamay siyaasi waayo-arrag ah oo kamida raggii rukumada u taagay Xisbiga Kulmiye.

Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed, ayaa dhankiisa ku bogaadiyey xildhibaannada isu tanaasulay, isagoo ku tilmaamay talaabo guul ah oo meesha ka saaraysa isgarab yaac iyo muwaafiqo xumo.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply