Duqa Degmada Burco oo Soo Bandhigay Qorshe uu ku Tilmaamay Dhiirigelinta Bulshadiisa

0
569

Burco (Dawan) Duqa degmada Burco, mudane Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Herro), ayaa sheegay in ay cashuur dhaaf u sameynayaan bulshada haddii cashuuraha lagu leeyahay ay iska soo bixiyaan, waxaa uu tilmaamay in qofkii shan sano lagu leeyahay labadii sano ee u danbeeyay laga qadaayo.

Waxaanu xusay in sababta ay sidan u yeelayaan ay tahay in ay dhiirigeliyaan bulshadii, si cidkasta oo cashuuri ku baaqatay ay ugu dhiiirato sidii ay isaga bixin lahayd.

Dhanka kale waxaa uu xusay in ay wadaan qorshe ah in ay bulshada gaadhsiiyaan in qofkasta wixii uu qabanayo uu dawladda hoose kula, halka uu sheegay in aan imika aanay meela ka soo gelin shaqooyinka ay dadku qabtaan dawladda hoose.

Duqa degmada Burco Cabdirisaaq Herro waxaa uu sidan ku sheegay wareysi uu siiyay wariyayaal wargeyska Dawan ka tirsan oo hawlo shaqo u tagay gobollada barriga Somaliland isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi.“Cashuurta waa in la bixiyo, qofkii shan sanno lagu leeyahay in laga daynayo shan sano ama kalabadh, ama saddex sano, oo ugu yaraan labadii sano ee ugu danbeeyay laga qaadayo, ka lix sano lagu leeyahay in badh laga dhaafayo, ka saddex sano lagu leeyahay in badh laga dhaafayo, ka liisan ganacsi lagu leeyahay in badh lagu leeyahay badh ka mida soo bixiyo, si aanu dadka u dhiirigelino oo ay cashuurta keenaan.

Annaguna waxa aanu balan qaadayna in qofku adeeg naga arko, iyo in adeegi kala duwana iyo in dadka aanu dareensiino si uu qofku u gaadho halka uu markasta oo uu hawl qabanayo uu dawladda hoose xasuusta halka uu imika halka imika shaqa maalmeedka dawladda hoose oo dhan  aanu meel ka soo gelin, ilaa aanu gaadhsiino tallaabo kasta oo uu qabanayo in uu ula noqdo dawladda hoose.

Dowladdnimadu bannaanka iyada ayaa ka masuula, guryaha iyada ayaa ka masuul ah, guryaha hoostoodana waalidiinta ayaa ka masuul ah, marka waa in ay dareemaan marka ay guryaha ka soo baxaan ee ay dibeda yimaadan ama ganacsi ha noqdo ama gaadiid ha noqdo ama wado ha noqoto ama shirkad ha noqote in ay dawladdnimada dareemaan, taasina waxaa ay ku imanaysa sida quruxda badan ee aad wax noola wadaan in aad laba jibaartaan in aad nagala qayb qaadataan degaankeena, degmadeena iyo dalkeena horumarkiisa”

 

Leave a Reply