Ciidanka oo Baacsanayaan Dadka ka Ganacsada Maandooriyaha

0
682

Harosheekh –(Dawan)- Ciidanka Booliska Somaliland ee gobolka Daadmadheedh ayaa soo qabtay khamri ay tiradiisu dhan tahay 700 oo litir iyo 56 kontan caagadaha yar yar ah.

 

Ciidanka ayaa Degmada Harosheekh oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh kusoo qabtay tiradan khamriga, xilli ay ku guda jireen hawlgallo ay ku baacsanayaan maandooriyaha lasoo geliyo dalka, waxa ay sidoo kale ciidamada Boolisku ay gacanta ku soo dhigeen gaadhigii siday, inkastoo ay tilmaameen in eedaysanayaashii waday maandooriyahaasi ay goobta ka baxsadeen. Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Harosheekh Kabtan Mubaarig Cabdilaahi ayaa sheegay in hawlgalkan ay kusoo qabteen gaadhigaasi iyo maandooriyaha saaran ay qaadeen, kaddib markii ay war ka heleen ilo xogogaal ah.

 

Taliyuhu waxa uu intaas ku daray inay sii adkayn doonaan dedaallada lagula dagaalamayo maandooriyaha sharci darrada ah ee ay caadaysteen qaar ka mid ah bulshadu, isagoo ugu baaqay dadka ku nool degmadaasi iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Daadmadheedh in qaybtooda ay ka qaataan dagaalka lagula jiro maandooriyahaasi, oo uu sheegay inuu dhib weyn ku hayo bulshada.

 

Geesta kale, taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Daadmadheedh Gaashaanle sare Axmed Maxamuud Guutaale oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku dabo jiraan dadkii siday maandooriyahaasi, isagoo xusay in aanay ka hadhi doonin eedaysanayaasha oo uu sheegay inay aqoonsadeen isla markaana ay la tiigsan doonaan maxkamad si loo horgeeyo sharciga dalka u yaalla.

Leave a Reply