Dawladda Hoose Caynabo oo ka Hortagaysa Dhul Daaqsimeedka Sharcidaradda lagu Ooto

0
539

Caynaba (Dawan) Duqa degmada Caynabo Xasan Yuusuf Aadan (Xasan Dhabaase), ayaa sheegay in ay ka hortagayaan dhul daaqsimeedka sharcidarada lagu ooto, isla markaana ay ka baabi’inayaan kuwa imika oodan ee aan sharciga ahayn, si loo ilaaliyo nolosha xoolaha iyo xoola dhaqatada.

Waxaa kale oo uu ka hadlay degaano  ay kormeer ku soo mareen oo hoos yimaada degmada Caynaba abaar ba’anina ay ka taagan tahay, waxaanu baaq u  diray cidkasta oo gacan ka gaysan karta dadka iyo duunyada abaartu ay hayso ee ku nool degaanada Saraar Galool leh.

Duqa degmada Caynabo Xasan Dhabaase waxaa uu sidan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siyay wariyayaal ka socday wargeyska Dawan, oo hawlo shaqo u tagay gobollada barriga Somaliland, waxaanu yidhi.“Hadda muddo kooban ayaanu joognay, waxaa aanu kormeer ugu baxnay qaar ka mida tuulooyinka hoos yimaada degmada Caynabo.

Degaanada aanu soo marnay waxaa ka mid ahaa Wiriir, Geesa-haye, Kalabaydh, Bali-caraale, Gunbur-carro iyo Sama-kaab, waana inta la isku yidhaaho Saraar Galool leh, xaalad biyo la’aaneed ayaanu ku soo aragnay waxaanu codsanayna ciddii wax taageeri karaysa inay taageerto dadkaasi”

Xasan Dhabaase isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray.“Nolosha gobolkan boqolkiiba sideetan waxaa ay ku tiirsan tahay xoolaha nool, halka labataan wax ka yarina ay yihiin beeralay.

Sidaasi darteed wax qabadka koobaad waxa aanu siinayna sidii aan xoolahaasi dhulka looga ooteen,  ee aan seerayaal dad gaar ahi leeyihiin loo sameeyeen, ama kuwii hore ee jiray loo baabi’in lahaa ayaa qorshahayagu yahay”

Leave a Reply