Saamaynta Awoodda Dunida Hogaamisa!

0
400

Casryadii dhexe waxa xoog iyo miisaan ku lahayd dunida dawladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga taasi oo ay xukumaysay khilaafadii Islaamka. Waxaana lagu xusuustaa in Doonayaheedu marka ay ku soo xidhaan dekedaha Yurub, kiniisadahu ay joojin jireen dhawaaqa jalaskooda iyagoo ka baqan jiray in muslimiintu dhibsadaan ka dibna ay bilaabaan inay furtaan magaalada oo duulaan ku soo qaadaan.

 

Wakhtiyadaasi nin baadari Talyaani ah oo khudbad jeedinyay ayaa yidhi “ Waxaan ka xumahay in aan arko dhalinyaradii Kiristaanka ahayd oo ku dayaynaysa Muslimiinta Carbeed xagga dhar xidhashada iyo dhincayda nolosha iyo fikradaha ilaa ay gaadheen inay ku faanaan inay Carabida yaqaanaan. Sidaasi ayay mar dunidu ahayd mid hogaankeeda Muslimiintu u haysay.

Leave a Reply