Maalqabeenka Iyo Dadka Maskaxda Badan!

0
694

Mr.Walter Hant wuxu ahaa nin leh curinta ariimo badan oo cusub waxaana uu ku noolaa magaalada Newyork. Isaga ayuu ahaa ninka ikhtiraacay ama curiyay qalin khadka, qoriga rasaasta laga rido, Girgiraha, Dawaarka dharka lagu tolo, qalabka masaabiirta lagu sameeyo iyo qalab kale oo badan.

Walter waxa dayn ku yeeshay saaxiibkii lacagtaasi oo dhamayd $ 15. Wakhtigaasi  ayuu goostay inuu sameeyo shay cusub oo muhiim ah oo u suurtageliya inuu iska bixiyo daynta , kana macaasho.

Maalin ayuu helay taar qiyaastiisu tahay 20 cm, waxaana uu ka fikiray inuu ka sameeyo Biin iyo weliba quful iyo furaha wax lagu xidho.  Fikradaasi wuu ku guulaysatay waxaana ka iibsatay shirkadda  W.R. Grace and Company  biinankii uu sameeyay iyadoo ka siisatay $ 400.

Markii uu $ 15 daynta ahaa ee saaxiibkii ku lahaa iska bixiyay waxa u soo hadhay $ 385. Haddaba shirkadaa Grace ayaa iska sii wadatay oo fikradaasi ku samaysay malaayiin biinan iyo qufulo ah iyadoo ka faa’iiday hanti ballaadhan.

Nasiib daro ninka curiyay fikradan ee Walter xidhiidh lama samayn hay’ada ilaaliinta xuquuqda ikhktiaarcayada taasi oo shirkadan u sahashay inay iskeed usii wadato intii uu ka iibiyay moyee soo saaridda qaybo kale oo cusub.

Leave a Reply