Wada Shaqaynta Booliiska Iyo Eyda!

0
560

Koox ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa salaan sharaf  heer qaran ku sii sagootiyay Ey ka mid aha Booliiska oo dhintay. Eyga ayaa la dhigay Isbitaalka caafimaadka xoolaha ee magaalada Woolwich. Sida lagu daabacay wargeyska Daily mail ee Ingiriiska ah,

Eygan oo lagu magacaabo Jadij aya 9 sano jiray, isagoo ciidanka booliiska la shaqaynayay muddo 6 sano ah. Warbixin booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay in Eyga oo shaqada la qoray sanadkii 2007 uu mudadii u shaqada hayay  ka caawiyay booliiksa qabashada 152 qof , 3 baabuur oo laga shakiyay iyo lacag la xaday oo dhamayd 47 kun doller.

Eygan ayaa shaqada ka fadhiistay sanadkii 2013 sababo caafimaad. Laakiin bishii June ee sanadkii ayu ka sii daray caafimaadkiisu, taasi oo keentay in loo ururiyo maalin keliya lacag dhan 13 kun doller oo la doonayay in xaaladiisa caafimaad ee ka sii daraysa wax lagaga qabto,

 

laakiin taasi waxba kama tarin xanuunkii hayay. Dhakhaatiirta ayaa booliiska u sheegay in Eygan uu ka dhacay xanuun aanu ka bogsan Karin sidaas darteedna loog baahan yahay inay qaataan go’an adag oo ay ku fasaxaan in Eyga nafta laga jaro madaama aanu ka bogsan Karin xanuunka haya. 

Booliiska ayaa isagoo nool dhakhtarka uu ku jiray ku siiyay salaan astaantooda oo ah oo ay ku maca salaameyeen isagoo goobta salaanta lagu siiyay la  keenay ka dib markii ay ogolaadeen taladii dhakhaatiirta ee ahayd in nafta ay ka jaraan.

Leave a Reply