Danyarta Degaanka Fuqi-fuliye oo Xoolo Seko ah loo Qaybiyay

0
466

Fiqi-fuliye (Dawan) Danyarta degaanka Fuqi-fuliye ee koonfurta gobolka Sanaag, ayaa loo qaybiyay xoolo seko ah, waxaana u qaybiyay qaar ka mida culimada iyo waxgaradka gobolkaasi.

Culimada waayeel iyo waxgaradka Sanaag, ayaa sannadihii u danbeeyay si tabarucaad soo ururinta iyo bixinta xoolaha sekada ah degaankaasi uga waday.

Dhanka kale dadkii sannadihii hore sekada la siiyay ayaa iyaguna soo bixiyay si walaalahooda kale ee danyarta ah loogu xooleeyo.

Midka mida culimada gobolka Sanaag oo madashii dadka xoolaha lagu guddoonsiinayay ka hadlay ayaa yidhi.“Maanta waxaa aynu isugu nimid rugni rugniyada islaamku uu ku taagan yahay ka mid ah, xoolahan kuwii xeryahooda ka soo saaray ALLE haw barakeeyo, kuwa loo wado ee xeryahooda uu geli doonana ALLE haw barakeeyo”

“Sekada waala soo ururiyay dadka ayaa laga soo ururiyay, waxaana la siinaya dadkii loogu tallo galay oo ay ku baxaysay, waxaana warbaahinta loo keenay in lagu daydo oo sidaasi si la mid ah la yeelo”Ayuu yidhi mid ka mida waxgaradka gobolka Sanaag.

 

Leave a Reply