Wasaaradda warfaafinta Somaliland  oo Tabobar U Furtay Qaar ka Mid ah Waaxyaha Wada xidhiidhka wasaaraddaha.

0
647

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigelinta Jsl ayaa tabobar u furtay qaar ka mid ah waaxyaha wada-xidhiidhka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Tabobarkan oo ka furmay xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muddada u socdo lagu baran doonaa istaraatijiyadda wada xidhiidhka ee waaxyaha wada xidhiidhka wasaaradaha iyo laamaha dawladda.  Waxaana soo agaasintay waaxda wada xidhiidhka ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigelinta Somaliland. Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadashay madaxa wada xidhiidhka dawladda ee waaxda wada xidhiidhka ee wasaaradda warfaafinta Sucaad Xagaa, oo sheegtay inay tabobarkan ay u qabteen qaar ka mid ah waaxaha wada xidhiidhka ee laamaha dawladda, si la iskugu xidho wada xidhiidhka guud ee hay’adaha iyo wasaaaradaha dawladda iyo wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigelinta, iyadoo ugu baaqday dhammaan ka faa’ideystayaasha inay ka korodhsadaan aqoon tabobarkaasi isla markaana ay dhaqan geliyaan.

Qaar ka mid ah iyaguna agaasime waaxeedyada qorshaynta, Tiifiiga qaranka, farsamada iyo mas’uuliyiin ka socday wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, iyo hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka masuqmaasuqa oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahnaa tabobarkan, isla markaana ay waaxyaha kala duwan ee uu khuseeyo ay soo codsadeen, waxaana ay tilmaameen inay muhiim tahay in la mideeyo isla markaana qorshe keliya laga yeesho siyaasadda wada xidhiidhka laamaha kala duwan ee dawladda.

Agaasimaha guud ee wasaaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta Jsl Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo tabobarka furay ayaa sheegay in tabobarkan ay u soo abaabuleen, kaddib markii ay dareemeen in wasaaradaha iyo laamaha dawladdu ay u baahan yihiin in lagu tabobaro wada xidhiidhka guud ee dawladda, isagoo sheegay inay sidoo kale ay uga gol lahaayeen taboborkaasi sidii wada shaqayn fiican ay u dhex mari lahayd wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta Somaliland iyo laamaha kale ee dawladda.

Gebogebadii waxa uu ugu baaqay shaqaalaha ka faa’ideysanaya tabobarkaasi inay weelayaan casharada isla markaana lagu dabaqo shaqada qaranka iyo sidii ay wax isaga baddeli lahaayeen wada xidhiidhka guud ee dawladda.

Leave a Reply