“Boqolkiiba shan iyo sagaashan mashaariicdii sanadkan 2021 u qorsheysnaa gobolka Saaxil way fuleen”Waraysi gaar ah Gudd. Gobolka Saaxil

0
443

Saameynta roob yaraanta iyo Ayaxu ku yeeshay wax soo-saarka Beeralayda Gobolka Saaxil
Qore. Saleeban Kalshaale

Berbera(Dawan)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi oo ka warbixiyey guud ahaan xaalada nabad-gelyo, horumar iyo dhaqan-dhaqaale ee Gobolkaasi, ayaa sheegay in mashaariicdii dhinaca horumarinta ee sanadka 2021 loo qorsheeyey in laga fuliyo deegaamada Gobolka boqolkiiba shan iyo shagaashan la fuliyey, isla markaana ay jiraan kuwo wali socda oo dhamaystirkoodu wakhti qaadanayo, xaaladaha nabad-gelyo iyo nololleed ee gobolkuna ay aad u fiican yihiin oo aanay jirin wax dhibaato ah oo ka jirtaa, marka laga yimaado saameynta ay bulshada ku keeneen roob yaraan ka jirtay gobolka iyo Ayax ku habsaday dhulka beeralayda ah oo dalagii beeraha xaalufiyey.

Dr. Axmed Maxamed Xaashi oo waraysi gaar ah Xafiiskiisa Magaalada Berbera ku siiyey Wariye Saleeban Cabdi Cali Kalshaale oo ka tirsan bahda wargeysyada Dawan, oo hawlo shaqo u jooga gobolka Saaxil, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey khasaare uu geystay Roob dabeyl wata oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ay deegaamo kamida Gobolkaasi.
Roob dabeyl wata, ayaa waxyeelo gaadhsiiyey xoolo nool iyo 13 Guri oo ay ku jiraan dugsi Waxbarasho, iyadoo ilaa shan neef oo xoolo ah ay ku dhinteen, guryahana uu khasaare kala duwan gaadhsiiyey.
“Tuuladan inoo xigta ee Galbeedka shalay galabtii waxa ka da’ay roob dabeyl wata oo aan dhibic badan lahayn. roobkaasi wuxuu khasaare u geystay bulshadii degenayd, wax dad ah oo ku dhintay ma jiraan, laakiinse Xoolaha ilaa afar Neef oo xoolo ah ayaa ku dhintay. waxa kale oo ay soo arkeen kooxdii xafiiska aan ka dilay ilaa 13 guri oo uu ku jiro dhisme Dugsi iyo meeshii cuntada (Feeding ka) loo dhigayey oo ay jiingada dabeyshu ka qaaday midba inay ka qaadayba. dhibaatadaasi dadkii waa loo tegay wixii kale ee loo qaban karana waa loo qabanayaa”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo ugu horayn ka warbixiyey roobka Khasaaraha geystay ee Arbacadii gelinkii dambe ka da’ay Deegaamo kamida galbeedka Gobolka Saaxil.

Guddoomiye Xaashi waxa kale oo uu Wargeyska Dawan uga waramay Kormeer xaqiiqo raadin ah oo ay todobaadyadii la soo dhaafay ku mareen deegaamada gobolka oo dhan isagoo hogaaminaya laamaha kale ee Xafiisyada Dawladda oo isugu jira heer Gobol iyo heer Degmo Berbera, waxaanu tilmaamay in kormeerkaasi uu daarranaa qiimeynta baahiyaha kala duwan ee deegaamada gobolka, si loogu daro qorshaha miisaaniyadaha sanadkan soo socda ee Xukuumadda dhexe iyo Golaha Deegaanka Degmada Berbera.
“Kormeerka aanu u baxnay wuxuu ahaa kii sanadlaha ahaa waxaanu soo ogaanaynay oo aanu tuulo tuulo u tagnay dhamaan baahida u baahan in wax laga qabto meel walba, runtii xog fiicana waanu soo helnay. golaha deegaanka oo Kalfadhigoodii uu u furmayo miisaaniyadooda ayey ku darsan doonaa wixii ay awoodaan, wixii kalena waxaanu ugu talogalnay in aanu wasaarad walba wixii ka khuseeya siino xogtaasi” ayuu yidhi waxaanu isagoo ka jawaabayey su’aal kale oo laga waydiiyey baahiyaha ugu muhiimsan ee ay kormeerkan diirada ku saarayeen uu yidhi “meeshu waa dhul xeeba oo kulayle ah waxyaabaha ugu mihiimsan ee aanu culayska saaraynay waxa kamida arrimaha caafimaadka, Biyaha iyo waxbarashada oo waxaanu doonaynaa maadaama meeshu xeeb tahay in aanay biyo la’aani dhicin oo wixii baahiyaha ee jira si dhakhso ah wax looga qabto.
sanadkii horena wixii baahiyo jiray ee la ogaaday ee la soo qiimeeyey wax badanbaa fulay
Guddoomiye Axmed Maxamed Xaashi oo wax laga waydiiyey sida uu sanadkan ahaa wax-soo-saarka Beeraha ee Gobolku, waxa uu sheegay inay beeralayda deegaamada gobolka ay sanadkan la kulmeen caqabado sabab u noqday inuu yaraado manfacii uga soo bixi jiray beeruhu.

waxa uu sheegay in sanadka roobku uu aad ugu yaraa deegaamada gobolka “beeralayda sanadkan roobku wuu ku yaraa, intii roobku helayna Ayax baa beerihii ka cunay, markaa dhibaatadaas ayaa ku dhacday, sidaas darteed xukuumaddu waxay ugu talogashay in dadkaas ku tiirsanaa waxa uga soo baxa dalaga Beeraha xagga raashinka laga kabo oo la siiyo raashinnadan la siiyo dadka tuulooyinka degen ee ay Hay’addaha ugu soo dhiibto, waanay jiraan kuwo badan oo raashinkaas la siiyo. waanan ognahay oo dadka iminka xoolihiibaa ka yaraaday markaa mid beer qota iyo mid kale waxay u baahan yihiin la taageero oo xaggii cuntada laga caawiyo, taana waanu samaynaa oo intii awoodeena ah way socdaan, iminka raashinka ugu badan WFP ayaa gobolka ka qaybisa“ayuu yidhi Guddoomiye Xaashi oo xusay inay xafiis gobol ahaan qorshe u sameeyeen taageerada dadka xooluhu ka baxeen danyarta noqday iyo kuwa ay saameynta ku yeelatay roob la’aantu.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi oo markii uu waraysigan bixinayey uu wehelinayey Xoghayaha Gobolka Nuux Maxamed Saleeban, ayaa sidoo wax laga waydiiyey wada-shaqaynta Hay’addaha Dawladda ee Gobolka iyo Degmada caasimada ah ee Berbera , waxaanu sheegay inay laamaha Xukuumadda dhexe ee Gobolka iyo Dawladda hoose ee Degmadu ay isku duubni ku wada shaqeeyaan, hay’ad walibana masuuliyaddaha ay u xilsaaran tahay gudato, Xafiis gobol ahaana si waafaqsan xeerarka ay ugu dabagalaan, ugulana xisaabtamaan.

Golaha Deegaanka cusub ee Magaalada Berbera, ayuu sidoo kale ku amaanay inay yihiin dad u badan xilkas laga filayo inay shaqada degmada iyo tan gobolkaba wax badan ku soo kordhiyaan, isagoo tilmaamay inay si wanaagsan isula jaan-qaadeen oo hadda ku wada shaqeeyaan arragti iyo ujeedo midaysan“Golaha deegaanka cusub wada shaqayntayadu aadbay u fiican tahay, waxaana la doortay dad waaweyn oo masuuliyiin ah”

Dhinaca kale, Guddoomiye Xaashi waxa uu iftiimiyey gobolka Saaxil ay ka socdaan mashaariic waaweyn oo heer qaran iyo gobolba leh oo rejo weyn iyo yihdidiilo mustaqbal ka turjumaya, isagoo tusaale u soo qaatay Mashruuca wadada Berbera Coridoor, dhismaha suuqa Ganacsiga ee cashuuraha ka caaggan (Berbera Free Zoon), balaadhinta iyo casriyeynta Madaarka Berbera oo uu sheegay in dhawaan la furayo, waxaanu barmamujyadaasi waaweyn ee socda sheegay inay barbar socdaan kuwo kale oo gobolka gaar u ah oo boqolkiiba shan iyo sagaashan la fuliyey.

“horumarku dhinac walba wuu ka socdaa, heer degmo iyo mid gobolba, mashaariicda horumarka ee gobolka oo kale qodob qodob uma sheegi karno oo way badan yihiin, laakiinse boqolkiiba shan iyo sagaashan waa la fuliyey, dee qaar wali socda oo wakhti dheer qaadanayaana way jiraan, wixii sanadka gudihiisa loogu talo galay in la qabtana way fuleen intii badnayd“ayuu yidhi Guddoomiye Dr. Xaashi.

Magaalada Berbera ee Caasimada Gobolka ayuu sheegay inay si xawli ah u kobcayso, isagoo xusay inay xiligan oo lagu jiro bilihii xagaaga dabayaaqadoodii, dad badani xagaa bax kaga maqan yihiin, haddana wax waliba sidii loogu talogalay u socdaan oo ay Ganacsiga noocyadiisa kala duwan iyo adeegyada kaleba si caadiya u socdaan.

Mashruuca dhismaha wadada isku-xidha Berbera iyo Wajaale oo kamida mashruucda waaweyn ee Gobolka Saaxil horumarkiisa lagu tilmaansan karo, ayaa meel fiican maraysa, una socota si fiican oo aad moodo inay ka dardar badna tahay sidii berigii hore ee hawsheedu bilaaban tahay, waxaanu kamid yahay arrimaha uu guddoomiyuhu waraysigan ku soo qaaday doorka ay gobol ahaan ku leeyihiin.

Leave a Reply