Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo xafiiskiisa ku Qaabilay wakiilka Dawladda Imaaraadka u qaabilsan Somaliland

0
295

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Dawladda Imaaraadka u qaabilsan Somaliland Mr Abdulla Al-Naqdi.

Ujeeddada guud ee kulankan ayaa ahayd isbarasho, waxaana intii uu kulanku socday lagaga wadada hadlay sidii wada shaqayn looga dhex abuuri lahaa baarlamaanka Somaliland iyo baarlamaanka dawladda Imaaraad-ka.

Shirguddoonka iyo Wakiilka ayaa isla afgartay in ay baarlamaannada Imaaraadka iyo Somaliland iska kaashadaan dhanka aqoonta iyo waayo aragnimada shaqada, islamarkaana ay weftiyo labada dhinac ah is waydaarsadaan.

Leave a Reply