Muranka Waalidka Iyo Saamaynta Caruurta!

0
500

Daraasad cusub ayaa muujisay in khilaafka waalidka ee joogtada ah uu caruurta ku keeno faham xumo iyo niyad jaba. Cilmi baadhistu  waxay intaa ku dartay in caruurta khajilaadda badan ay si gaar ah u saameyso murannada waalidka.

Mudada daraasadda lagu guda jiray waxa lala kumay 99-caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 11-sano jir, taasi oo muujisay in caruurta dagaalka labadooda waalid badan ay ku adkaato inay fahmaan dareenka dadka kale, halka caruurta ku dhaqan guryaha xasilloon ay si wanaagsan u fahmaan dareenka dadka kale.

 

Professor Alice Schermerhorn oo ka tirsan Jaamacadda Vermont, oo hoggaaminaysay daraasaddan ayaa sheegtay in natiijooyinkan soo baxay ay si cad u muujinayaan muranka joogtada ah ee labada waalid in ay burburiso caafimaadka maskaxda ee caruurta, iyadoo Xitaa isku dhaca yar ee caadiga ah aanu u wanaagsanayn. Waxaana ay horseedaa in caruurta ay ka dhigto kuwo belaayo sugayaal ah oo wanaaga aanu usoo socon.

Leave a Reply