Xikmadaha

0
702
  • Quruxda gabadhu waa dhowrsanaanta, quruxda ragguna waa shakhsiyadiisa.
  • Farshaxanka inaad mar geesi tahay marna digtoon tahay, waa farshaxanka guusha.
  • Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba kaalmee adiga oo jecel in aad caawisid.
  • Ha rumaysan wax kasta oo aad maqashid! Ha wada isticmaalin waxa aad haysato ee badh kaydso. Hana seexan hurdo badan oo dantaada ku seejisa.
  • Dadka meel ha kaga dhicin oo ha aflagaadayn.
  • Hadii uu qof ku waydiiyo su’aal aanad rabin in aad ka jawaabto, u ilka cadee oo waydii: Maxaad u doonaysaa in aad arintaa ogaatid?
  • Isfahmid la’aan yari yay kaa duminin saaxiibtinimo wayn.
  • Xusuusnow in ay aamusnaantu mararka qaarkood tahay jawaabta ugu wanaagsan.
  • Aamin dadka, laakiin albaabka gurigaaga xidho.
  • Wixii aad ogtahay ee faa’iido leh u sheeg dadka kale ha kula qaybsadaane. Taasina waxa ay kaa dhigaysaa in aad noqoto qof weligii la xusuusto oo dad badani yaqaanaan.

Waligaa ha goynin xidhiidhka qof ku tusaya wanaag

Leave a Reply