“Waad u Baahan Tahay Inaad u Safarto Somaliland si Aad u Hesho Aragti Khibrad leh”

0
689

 

 

 

 

 

 

Nairobi (Dawan)- Buug cusub oo uu qoray aqoonyahan Faransiis ah iyo taariikhyahan Dr. Gerard Prunier oo ku takhasusay Geeska Afrika iyo gobolka harooyinka waaweyn ee Afrika, ayaa si faahfaahsan loogu sharaxay guulaha iyo horumarka uu qaranka Somaliland ku tallaabsay si iskii ah, iyada oo aanay cidina ka caawin.

Buugan oo ciwaan looga dhigay raadinta qarannimada Somaliland, ayaa waxa warbixin ka diyaariyay Warbaahinta caanka ah ee Nation oo ka hawlgasha dalalka, Kenya, Uganda iyo Ruwanda. warbxintaasi oo ay wadajir u diyaariyeen koox wariyayaal ah oo uu hoggaaminay Faustine Ngila.

Warbixintaasi oo ku qornayd luuqada Engiriisiga oo Wargeyska Dawan ku turjumay Af-soomaali, waxay u qornayd sidan. “Waa sidee xaaladda ku noolaanshaha dal aan dunida inteeda kale aqoonsanayn?

Hagaag, malaha waxaad u baahan tahay inaad u safarto Somaliland si aad u hesho aragti khibrad leh. Malaha, waad ogtahay inuu yahay dal ka duwan Soomaaliya, laakiin weligaa fursad umaad helin inaad fahanto farqiga u dhexeeya.

Somaliland: Waddanka Geeska Afrika, qiyaastii 3.5 milyan oo qof ayaa ku nool, ka shaqeeya oo tukada si dhab ah, laakiin sharci ahaan ma jiraan!

Buugga ‘Taariikhda Somaliland’, wuxuu qoraagu ku soo qaatay taariikhda Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, dadka Soomaaliyeed, gumaysigii ka hor iyo dagaalladii sokeeye ee gumaysiga ka dib, oo si cad u tilmaamaya sababta ay Somaliland u goosatay.

Buuggu wuxuu ka kooban yahay 11 cutub, wuxuuna ka sheekeynayaa sheeko guul ah oo uu leeyahay dal Afrikaan ah (Somaliland) halkaas oo nabadda si aad ah loogu ammaanay. Taas oo beesha caalamku aanay ku lahayn wax abaalmarin ah, balse ay tahay guul keli ahaaneed oo ay iskeed u leedahay Somaliland.

Burburkii dimuqraadiyaddii baarlamaankii 1969kii iyo ciidamadii talada la wareegay iyo keli -talisnimadii ka dambaysay ayaa horseeday dagaal sokeeye oo ka dhacay qarankii ‘kaamilka ahaa’ Soomaali-weyn). Colaadaasi oo muddo dheer jirtay, balse ay Somaliland ka gudubtay, taas oo illaa maanta ka taagan Koonfurta ‘Talyaaniga’.

Somaliland ayaa ‘dib-u-dhalatay’ iyada oo ku timid dadaal iyo karti ay keligeed muujisay. laakiin ummaddaas wax-ku-oolka ah (Somaliland) ee dib ugu soo noqotay xuduudihii gumeysigii hore weligeed caalamku ma aqoonsan, welina waxay la halgameysaa sidii ay u sii ahaan lahayd qarranimadeeda, dhaqaale ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba.

Sannadkii 1960 -kii, Somaliland -tii hore ee British -ka ayaa xorowday muddo shan maalmood ah ka hor intii aanay ku biirin dalkii la odhan jiray Italian Somaliland si ay u abuurto Jamhuuriyadda Soomaaliya. Laakiin markii ay reer koonfureedku silciyeen, Somaliland way ka go’day dagaal sokeeye ka dib, waxay dib ugu noqotay 1991 -kii xuduudihii ay kala qaybsadeen Ingiriiska. Waxay samaysay dastuur sannadkii 2001-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay leedahay dhammaan astaamaha lagu garto dal dhammaystiran, oo leh baarlamaan u gaar ah, lacag, diiwaangelinta baabuurta iyo xitaa baasaboorada biometric.

Sidaas oo ay tahay weli ma aqoonsana dowlad kale, iyadoo Qaramada Midoobay kaliya ay aqoonsan tahay qarannimada fashilantay ee Soomaaliya.

In kasta oo qeexidda waddanku u furan tahay fasiraadda, sida uu dhigayo Sharciga Caalamiga ah, dawlad waxay u baahan tahay inay yeelato dad joogto ah, dhul qeexan iyo kontaroolada xuduudaha, awoodda ay isku maamuli karto si madaxbannaan oo ula macaamili karto dalalka kale. Iyada oo dhammaan shuruudahaasi ay fulisay Somaliland.

Buugga cusubi wuxuu ku bilaabmayaa cutub ka hadlaya ‘Ummad Raadinaysa Dawlad: Cutubka ugu dambeeya, ‘From Survival to Globalization: Qoraagu waxa uu kaga hadlayaa Baahida Qaran ee Somaliland?’, Qoraagu wuxuu adeegsanayaa fahamkiisa Afrika iyo geopolitics-ka caalamiga ah si uu u muujiyo baadi-goobka Somaliland ee ah inay ku biirto dunida inteeda kale arrimaha caalamiga ah.

Leave a Reply