Wasiiro Kormeeray Mashruuca Horumarinta Berbera Corridor

0
845

“Si ka duwan dalalka kale ee geeska Afrika, Somaliland waxay qabatya doorashooyin dhammaantood xor iyo xalaal ah” The Standard

Nairobi (Dawan)- Warbaahinta The Standard ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay dal madax bannaan oo nabdoon, isla markaana ku guulaystay si ka duwan dalalka kale ee geeska Afrika in ay qabato doorashooyin xor iyo xolaal ah, shantii sannaba mar, kuwaasi oo ay awoodda xukunka kula kala wareegeen madaxweynayaal la doortay.

The Standard oo ka mid ah warbaahinta ugu awooda badan qaarada Afrika, waxay si weyn uga faallootay hannaankii dimuquraadiyadeed ee ay Somaliland uga qabsoomeen doorashooyinkii isku sidkanaa ee golayaasha Baarlamaanka iyo deegaanka dalka 31-kii May, doorashadaasi oo ay u dareereen in ka badan hal milyan oo cod –bixiye laguna doortay 82 xildhibaan oo baarlamaanka ah iyo 249 mudane oo golayaasha deegaanka ah.

Warbixinta The Standard ayaa lagu yidhi “Somaliland waa dal nabdoon oo ay ku noolyihiin afar milyan oo qof, waa dal abuurmay ka dib burburkii taliskii Madaxweyne Siyaad Barre 1991-kii, kaas oo xilka lagaga tuuray dagaal adag oo ay la galeen hoggaamiyayaashii haqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) oo ku dhawaaqay madax -bannaanidooddii.

Somaliland waxay qabatay si ka duwan dalalka kale ee geeska Afrika, doorashooyin xilliyeed shantii sannaba mar, kuwaasi oo dhammaantood ahaa kuwo xor iyo xalaal ah. In ka badan hal milyan oo codbixiye ayaa u baxay goobaha codbixinta si ay u soo doortaan 82 xildhibaan oo baarlamaanka ah iyo 249 xildhibaan oo golayaasha deeganka dalka ah.

Dawladda Kenya ayaa dhawaan xafiis ka furatay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, sannad kadib markii labada dal ay fureen wada hadal ku saabsan iskaashi. Iyada oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda daslka Kenya ay shaacisay in ay u dirtay koox ka kooban afar sarkaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Saraakiisha ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah Madaxa Xafiiska, Charles K Waichari oo ah la –taliye iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -Xigeennada Maamulka.

Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay Kenya ee waqtigiisu dhammaaday, Danjire Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay inuu u faraxsan yahay inuu toddobaadkii hore ka helay xaqiijin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya furitaanka xafiiska cusub ee Kenya ee Hargeysa.

“Waan ku faraxsanahay in aan arrintan u arkay mid midho dhal ah, Kenya iyo Somaliland waa lamaane isku fikir ah oo ay ku xidhan tahay rumaysnaan aan gilgili karin awoodda xorriyadda iyo dimuqraadiyadda si kor loogu qaado barwaaqada loona dhiso mustaqbal ifaya oo dadka u wanaagsan” ayuu yidhi Baashe.

 

 

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Somaliland iyo Kenya ay horumarin doonaan is-weydaarsiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyo sidoo kale saaxiibtinimada dadka dhexdooda la horumarin doono marka la furo xafiiska Kenya.

Bishii December ee sannadkii hore, Kenya iyo Somaliland waxay gaadheen heshiis ah in duulimaadyado toos ah ay Kenya Airways ku tagto Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii Madaxweyneyaasha Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi ee ku kulmeen Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi.

 

Leave a Reply