Cilaajka Werwerka Ee Shinrin!

0
498

Xanuunada Ruuxda ku dhaca ee qofka sida werwerka yo walbahaarka iyo jacaylka cimriga dheer waxa inta badan lagula tacalaa dawa dhaqameed iyo farsamooyin kala duwan oo la aaminay. Bulsho kasta waxa ay leedahay dawo, hab iyo dhaqan iyada u gaar ah oo la isticmaalo.

Haddaba dalka Japan haddii aad jeclaato in cimrigu ku dheeraado waxa dadku kugula talinayaan inaad ku maydhato dooxada dhirta badan, taasi oo ah arrin ay caado ahaan aaminsan yihiin. Waxaana loo yaqaana “kaynta maydhashada.”

Arintan ayaa ah mid dhaqan iyo cilaaj dabiici ah, sida ay Dawan ka sooo xigatay “Sentinel Source” , Luqadda Japan waxa looga yaqaana kayntan “Shinren-Yoko” taasi oo ay rumaysan yihiin in ay kor u qaado caafimaadka qofka ku maydha, sababtuna ay tahay hawada ay halkaasi leedahay.

 


Shinren-Yoko sanadadii 1980-yadii, waxay noqotay qayb muhiim ah oo ka mid ah daryeelka caafimaad ee dhaqanka Japan. Sida lagu daabcay website-ka “Shinren-Yoko Durg” Cilmi-baadhayaasha ayaa ku doodaya in wakhtiga iyo maydhashada lagu qaato kayntan ay leeyahay faa’iidooyin caafimaad, oo ay ka mid tahay kor u qaadida habka difaaca jidhka, hoos u dhaca cadaadiska dhiigga iyo walaaca, waxa kale oo ay leedahay niyad waanag, hurdada, kordhinta heerka tamarta, iyo soo bogsashada degdegga ah ee meelaha dhaawacyada iyo nabarada ku yaallaan, iyo xanuuno kale oo badan.

Sanadkii 2009, daraasad kooban oo Japanese ah ayaa la sheegay in lagu ogaaday in neefsashada cayayaanka dhirta ku badan iyo hawada kayntan jiqda ah ay hoos u dhigto hormoonnada werwerka dhaliya ee ragga iyo dumarkaba, iyadoo weliba kor u qaada difaaca unugyada dhiigga. Habka isku dawaynta kayntani uma baahna jimicsi iyo socod iyo orod uu qofku dhibsado keliya waa inuu booqda ku nastaa, ka dibna ku maydhaa.

Waxaana aad ku nasanaysaa codka shimbiraha, udgoonka ubaxyada kala duwan, biyaha qulqulaya, iyo ciida quruxda badan. Goobtani malaha dhamaan tiknoolajiyada casriga iyo mishiinada hawada wasakheeya taasi oo ka dhigtay goob lagu nasan karo oo la isku dawayn karo.

Leave a Reply