Gefka Garashada Ayaa Lagu Saxaa!

0
639

Dhaxal sugaha boqortooyada Ingiriiska ayaa kormeer ku tegay Jeelasha dalka, si uu cafis ugu fidiyo maxbuuska u qalma inu la siiyo. Markii uu jeelka dhexmaryaa oo maxaabiistuna arinkaasi ka war heshay , mid kasta waxa uu ku cabanayay in cadaalad darro ku dhacday oo lagu xidhay iyo inuu yahay qof mutaystay xaqna u leh in la saamaxo madaama marka horeba si cadaalad daro loo xidhay. Dhamaantoodna waxa ay ahaayeen kuwo wada taagan oo hiyi kacsan.

Waxase yaab ahayd in maxaabiista midkood aanu soo kicin isla markaana aanu danba ka gelin baryada iyo cabashada xad dhaafka ah ee dhex maraysa maxaabiista iyo boqorka. Maxbuuskan wax cafis ma weydiisan dan kama gelin, waxaana uu ahaa mid iska fadhiya.

Boqorka ayaa ninkaasi la yaabay oo ku yidhi: “ adiga maxaa ku helay ee aad usoo kici weyday oo aad u sheegan weyday codsigaaga?!” Maxbuuksa ayaa ku jawaabay: “ Boqor anigu waxaan ku faraxsanahay  jeelka, waayo waxaan galay denbi waxaana aan rabaa in marka uu iga dhamaado aan ka baxo, waayo aniga cadaalad darro iguma ay dhicin!”.

Boqorkii ayaa markiiba yidhi: “ Anigu ninkaasi oo keliya ayaan cafiyay, waayo waxa uu og yahay inuu denbi galay oo uu u baahan yahay cafis!”. Qirashadu waa qayb ka mid ah inaad ka murugoonayso wixii aad samayn jirtay. Gefkana garashada ayaa saxda, oo marka aad ogaato inaad khalad gashay waad sixi marka danbe, hadiise aad aaminsantay inaad saxan tahay adigoo khalad ku jira weligaa sixi maysid.

Leave a Reply