Wasiiro Kormeeray Mashruuca Horumarinta Berbera Corridor

0
1172

 

 

Tog-wajaale (Dawan)- Guddida Horumarinta ee Marin-ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor) oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku tagey magaalo-ganacsiyeedka Tog-wajaale oo uu ka socdo mashuuraca Berbera Corridor.

Guddida Horumarinta Marin-ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor) oo kala ah Wasiiradda wasaaraddaha horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Isgaadhsiinta Cabdiweli Suufi iyo Ganacsiga Maxamud Sacad Saajin, ayaa waxaa wehelinayay Madaxa hay’adda Trade Mark East Africa oo ah Shirkada ku Kormeeraysa DP World dhismaha Jidka Berbera Corridor.

Wasiiraddan iyo Mas’uuliyiinta Wehelinasay waxay soo qiimeeyeen jidka gaadiidka xamuulka ahi ay ka gelayaan xuduudka Wajaale (By Pass) oo la isla qaatay in aanay muhiim ahayn in Gaadiidka faraha badan ee ka imanaya Magaaladda Berbera una Socda dalka Itoobiya aanay dhex mari karin Jidka Wajaale maadaama uu yahay mid Cidhiidhi ah.

Wasiirka wasaaradda maaliyada Dr Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in la isla gartay in la sameeyo Jid dhinac mara magaaladaasi, waxaanu tilmaamay inay Jidka la bedelayo ay Maalin kastaba mari doonaan ilaa iyo Kun gaadhi oo Xamuul sida. Taas darteedna ay isla qaateen in Dariiqa Magaaladda Wajaale dhex maraa aanu qaadi karin culayska intaa le’eg, Waxaanu intaas ku daray in loo baahday hirgalinta jid dhinac maraya Wajaale oo isku xidhaya dhanka Somaliland iyo dhanka Itoobiya.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay xukuumadu ka hawlgeli doonto sidii loo samayn lahaa waddo ganacsiyeed xidhiidhisa dalalka Somaliland iyo Itoobiya, oo dhinac marta magaalada Togwajaale, isla markaana la tixgelin doono qorshaha labada maamul soo gudbiyaan.

Maamulka magaalada Togwajaale oo u hogaaminayo Maayir Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed iyo xildhibaanada ka soo jeedas deegaanka qaarkood ayaa Maayir Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey sheegay inay ku faraxsan yihiin wefdiga u yimi mashaariicda lagu horumarinayo magaalada Togwajaale.

Xubnaha wefdiga ayaa mudadii ay joogeen soo kormeeray suuq casri ah oo haweenka ganacsatada yaryar ee magaalada Togwajaale loo dhisay, suuqaasi oo uu hore xadhiga uga jaray 06 June, Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, suuqaasi oo ay dhismihiisa maalgelisay hay’adda Trade Mark East Africa.

Wasiirka Isgaadhsiinta Md Cabdiweli oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in horumarinta magaalada Togwajaale wax badan u fududeyn doonto horumarinta ganacsiga iyo isu-socodka labada wadan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Ganacsiga Md Sacad oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in magaalada Togwajaale muddo hore loo qorsheeyey in mashaariicaha Berbera Corridor ay maraan oo qaadi karta, lana doonayo mustaqbalka sidii loo sii horumarin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu ahaa kormeerida isu-socodka ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya ee dhexmara magaalada Togwajaale, iyo sidii waxii caqabado ka jira loo dhamayn lahaa.

Dr Sacad ayaa sheegay in mashaariicda Berbera Corridor ee waddadu ku dhamaanayso magaalada Togwajaale, ay soo baxday baahi loo qabo in jid magaalada dhinac mara la sameeyo, maadama jidka imika isku xidha labada wadan aanu ahayn mid ku haboon, xukuumaduna ay ka hawlgeli doonto iyada oo la tixgelin doono qorshaha labada maamul soo gudbiyaan.

Wefdiga uu hogaaminayo Dr Sacad Cali Shire waxaa kale oo ay soo kormeereen Sariibada Wayn ee Magaalo ganacsiyeedka Tog Wajaale loo dhisay taas oo ay Maalgelisay Shirkadda Trade Mark East Africa.

 

Leave a Reply