Dekedda Berbera: Maanta, Shalay iyo Berri Halka lala Higsanayo..Waraysi Maareeyaha Hay’adda Dekeddaha Somaliland

0
500

“Dekedda Berbera waxa guud ahaan Maamusha Hay’adda Dekeddaha Somaliland, Shirkadda DPWORLD waxay ka masuul tahay..

“Qaranku siyaasadbuu ka leeyahay sidii loo iib-geyn lahaa Dekedda Berbera…”Maareeyaha Dekeddaha Siciid Xasan Cabdilaahi..

Qore Saleeban Kalshaale
Berbera(Dawan):-Maareeyaha Hay’adda Dekeddaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilaahi oo Waraysi dheer uu la yeeshay Wargeyska Dawan, ayaa ka warramay isbedellada ka socda Dekedda Berbera tan iyo markii la furay wajigii 1aad ee ballaadhinta Dekedda, xilliga la bilaabayo wajiga labaad ee kordhinta Marsada Berbera, doorka maamul iyo masuuliyaddeed ee ay dawladda Somaliland ku leedahay adeegyada Dekedda Berbera qabato, waxyaabaha muhiimka ah ee ay Hay’ad ahaan soo kordhiyeen si ay ula jaanqaadaan casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda, halka uu marayo mashruuca dhismaha Dekedda Maydh iyo Dekeddaha kale oo Qaranku yeellanayo.

Eng Siciid Xasan Cabdilaahi Maareyaha Hay’adda Dekeddaha Somaliland oo Xafiiskiisa ugu waramay Wariye ka tirsan wargeyska Dawan oo Berbera, oo socdaal shaqo ku tegay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera,ayaa sidoo kale wax laga waydiiyey sida ay Dekedda Berbera diyaarka ugu tahay tartanka dhinaca Dekeddaha ee ka socda Bariga Afrika iyo kan heer gobol, halka uu ku dambeeyey Markab u rarnaa ganacsade reer Somaliland ah oo isagoon dekedda soo gaadhin dib ula noqday badeecaddii uu siday, amniga Marsada, tayeynta shaqaalaha Dekedda iyo arrimo kale oo la xidhiidha habsami-u-socodka horumarka Dekedda Berbera.

Maareeyaha oo ka jawaabaya Su’aal wariyuhu ka waydiiyey waxa iska bedelay adeegyada Dekedda tan iyo markii la daah-furay qaybta cusub ee lagu kordhiyey ee uu dhawaan madaxweynuhu xadhiga ka jaray,ayaa yidhi.

“intii la furay barxadda cusub (Terminaalka) cusub wax badanbaa isbedelay koritaanka Koonteenarada badeecadaha ee imanaya Dekedda. Terminal-ka cusub ee la furay wuxuu ahaa 400.MT oo ah barxada Koonteenarada ah, taasoo micnaheedu yahay barxadaasi (Terminalkaasi) boqolkiiba sagaashan wuxuu ka shaqaynayaa Koonteenarada.
maadaama ay markii hore innagu yarayd oo afar boqol oo mitir lagu daray Barxada Dekedda, Korodhka Koonteenarada iyo muddadii lagu dejin jiray ama lagu rari jiray iyo meesha la dhigi jiray oo markii hore aad yarayd isbedel weynbaa ku yimi runtii, markaad eegto dhinaca barxada, markaad eegto dhinaca shaqada. waxa kale oo ku soo kordhay inay yimaadaan Dekedda Maraakiibta waaweyni”

S: Maraakiibta waaweyn ee Dekedda ku soo xidhay kuwo intee xajmigoodu leeg yahay, ayay ahaayeen maxaase u badan badeecadaha ay keenaan?
J: Isbedelka ugu weyn waxa weeye Maraakiibta waaweyn ee Koonteenarada oo aan markii hore iman karayn cidhiidhiga dekedda awgeed iyo joogga hoose ee Badda oo gaabnaa oo aanay maraakiibta waaweyni soo gaadhi karayn oo ay ciidda taaban jireen,markaa labadaas caqabadoodba meesha way ka baxeen. Maraakiibta waaweyn ee inoo yimaada waxa kamida 330 Mitir mid ah, markaa Markab kasta ha weynaado ama ha yaraadee wuu iman karaa maanta Dekedda Berbera, taasina waa horumar Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay.
Walina shaqadu way socotaa oo qayb kale ayaa lagu darayaa oo ah lix Boqol oo Mitir (600M), waxaanay guud ahaan isku noqonaysaa dekedda ballaceedu kun iyo lix boqol oo mitir. (1.65km), waxaan rejaynaynaa in koonteenarada lagu soo dejiyaa noqdaan illaa laba Milyan oo Koonteenar sanadkii.
waxa kale oo aan doonaynaa in aan qabano adeegyo kale oo badan oo aan hore loogu qaban jirin Dekedda, sida inay Maraakiibtu ku soo leexdaan oo ay isku bedelaan, maadaama mandaqada aynu ku naalaa ay tahay mid muhiima oo u ah maraakiibta marta marinka baabal-mandeb oo in ka badan shan iyo sodon kun oo markab ayaa mara, kuwaasoo u baahan adeegyo fara badan in loo sameeyo.
Waxa kale oo aanu ku soo kordhinay taagag cusub oo iyaga laftoodu marka ay Maraakiibtu ku xumaadaan Baabal-mandeb ka soo jiidi kara, dakhlina ka soo hoyn kara. hore umaanaan lahayn. hal Taag oo 42 sano shaqaynayey ayey dekeddu lahayd,laakiinse maanta waxa ay dekeddu leedahay saddex Taag iyo hal Doonyaha Maraakiibta u adeega. haddii ALLE ka dhigo qaar kalena waa rejaynaynaa mustaqbalka dhow. maanta saddex taag ayaa lagu soo xidhaa Maraakiibta qaarkood , taasina waxay ku tusaysaa inay ku filantahay.
waxa kale oo soo kordhay si ay isula jaanqaado shaqada aanu qabanaynaa in shaqaalihii tababar loo fidiyo oo aanu macalimiin dibeda uga keenay. in shaqaalaha Hay’addu maadaama oo ay shaqeeyaan habeen iyo maalinba in lagu tababaro sida badweynta laysaga badbaadiyo, sida loola tacaalo haddii dab dhaco, in la siiyey xirfad heer sare ah oo caalami ah, waayo dhismaha oo qudha in lama kordhinayo ee waxa la kordhinayaa oo kor loo qaadayaa aqoontooda iyo awooddooda shaqaalaha. sidoo kale intooda badan dadka ka shaqeeya Dekeddu waxay ku jiraan Caymis haddii dhibaato dhacdo. waxa kale oo la kordhiyey habka badbaadada shaqaalaha oo ah in naftooda la ilaaliyo. waxa kale oo aanu mustaqbalka rejaynaynaa in aanu dhisno Taawarka la socodka Dekedda oo casri ah noocii u dambeeyey (Port Control Tawer), kaasoo hadda naqshadiisii la wado oo aanu ku soo kordhino Dekedda.
waxa kale oo qorshaha noogu jira haddii meel maraakiibta lagu sameeyo in aanu samayno. waxa kale oo aanu samaynay in aanu shaqaalaha Hay’adda Dekeddaha u dirnay Dubai oo ay Dekedda Jabal Cali ku soo qaataan tababar, shaqaalahasi oo loo soo carbinayo tababareyaal oo ah inay sii tababaraan shaqaalaha Hay’adda Dekeddaha.
Runtii waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo mar walba nala garab taagan sidii shaqaalaha wax loo bari lahaa, dalkanina wax u noqon lahaa. Dekedda Berbera waa badhidii Somaliland in la dhiso oo la horumariyo oo la ilaaliyaana waa lagama maarmaan, markaa runtii meel fiicanbay maraysaa.

S: Imisa Shaqaale ah ayaad dibada ugu dirteen aqoon-korodhsi, maxayse kala yihiin?
J: hadda waxaanu u dirnay lix, saddex wadeyaasha taagaga ah iyo saddex baylood Markab.

S: Muxuu yahay doorka Hay’adda Dekeddaha ee adeegyada ay bixiyso Dekedda Berbera iyo kan Shirkadda DPWORLD?
J: Dekedda Berbera waxa guud ahaan Maamusha Hay’adda Dekeddaha Somaliland Shirkadda DPWORLD waxay ka masuul tahay dejinta iyo rarista maraakiibta ama waxa loo yaqaano (Oporation-ka). Maamulka guud ee Dekedda waxa iska leh hay’adda Dekeddaha Somaliland, hadday mid nabad-gelyo noqoto, hadday mid baddeed noqoto iyo hadday wax kale noqoto.
Lacagta lagu maal-geliyey Dekedda waxa wada leh Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DPWORLD oo kaliya, micnaheedu waxa weeye Hay’adda Dekeddaha Somaliland waxay ka masuul tahay dhammaan Dekeddaha dalka oo dhan. Shirkadda DPWORLD waxay ka masuul tahay dejinta iyo rarista Badeecadaha ka soo dega Dekedda Berbera.

S: Qorshaha qaybta cusub ee lagu kordhinayaa halkuu marayaa?

J: Hadda waxa la wadaa naqshadii, tartan caalami ah ayaa la gelinayaa. haddii ALLE ka dhigo waxaan rejaynaynaa in la bilaabo bisha 12aad ee sanadka, waxaanu qayb ka yahay mashruuca maal-gelinta Dekedda Berbera ee ay wada leeyihiin Somaliland iyo Shirkadda DPWORLD.
S: mar haddii Dekeddii la balaadhiyey, dhinacyada Maal-gashadeyaashu siday uga hawl-galeen sidii loo heli lahaa suuqyadii ay Dekeddu waraabin lahayd?

J: Qaranku siyaasad buu ka leeyahay sidii loo iib geyn lahaa Dekedda Berbera. siyaasaddaas marka laga yimaado Dekedda Berbera waxa ay bixisaa adeeg. markaa adeega aad bixisaa hadba sida uu u wanaagsanaado ayey macaamiishu kuugu imanayaan. Mandaqada waxa aanu doonaynaa in aanu bixino adeegga ugu wanaagsan. waxaanu doonaynaa in aanu noqono dekedda ugu qiimaha jaban Dekeddaha gobolka oo dhan kharashka adeega laga qaado,taasina waa higsiga Dekedda Berbera .
waxa kale oo jirta suuqa ugu muhiimsan ee Dekedda Berbera ku xisaabtamayso marka laga yimaado gudaha Somaliland waa Suuqa dalka Itoobiya, waxaad ogtahay inay waddadii isku-xidhaysay Berbera iyo dalka Itoobiya socoto (Berbera Coridoor), waxa kale oo aad ka war haysaa in wada hadalladii heshiiska isu socodka baddeecadaha ganacsigu (Transit agreements) uu socdo.
waxa kale oo aanu doonaynaa sanadka dambe in aanu sameyno oo aanu ku soo kordhino Dekedda in marka maraakiibta waaweyni ay baddeecadaha keenaan halkan inay Maraakiib yaryari ka qaadaan oo aanu u qaybino Mandaqada. waxa kale oo dhismihiisii socda Suuqii ganacsiga xorta ah (Free Zone ) oo aanu rejaynayno inuu sanadka dambe dhamaado, kaasoo ay hawshiisu socoto oo ay shirkaddo badani soo codsadeen. waad ka war-qabtaa in madaarkii dhaamaday oo isagana shaqo ka bilaabmayso, markaa rejada ay Somaliland qabtaa waa boqolkiiba boqol haddii ALLE ka dhigo.
S: Ma jiraan daneeyayaal kale oo cusub oo doonaya inay qayb ka noqdaan isticmaalka Dekedda Berbera, maxaase idiinka qorsheysan soo jiidashadooda?
J: Adduunka maanta waxa lagu wada shaqeeyaa isgaadhsiin iyo tiknoolajiyad, hay’adda Dekeddu waxay leedahay meelo kala duwan oo lagala soo xidhiidho. sidoo kale maadaama oo aanu wada shaqayno Shirkadda DPWorld waxa la mataaneeyaa free Zone-ka DPWORLD ee Jabal Ali iyo kan Berbera, maadaama Shirkadda DPWORLD ay leedahay macaamiil fara badan, macaamiishii ayuunbaa halkan (Berbera) u soo guuri doona inshalaahu.
Taas micnaheedu waxa weeye Somaliland inay soo dhaweynayso cid kasta oo maalgashanaysa. adduunkana waxa tusaale u ah sida aynu ula macaamilnay Shirkadda DPWORDL inaynu nahay dal la aamini karo. waxa kale oo tusaale u ah markii hore lacagtii ay gelisay DPWORLD waxa ay ku dhiiratay muddo gaaban inay haddana geliso lacag kale oo fara badan, sidaas awgeed waxaan rejaynayaa inay umad kale oo badanina ay iman doonto.

S: Dhawaan waxa jiray Markab u rarnaa Ganacsade reer Somaliland ah oo isagoon Dekedda soo gaadhin dib ula noqday baddeecadii uu siday, kaasoo la sheegay inay is-khilaafeen ganacsadihii uu u rarnaa, arrinta markabkaa ma baadheen, halkayse ku dambeysay?
J: arrintaas dhowr jeerbaan ka hadlay, arrintaasi waxay ahayd arrin ka dhaxaysa Mulkiilaha Markabkaas iyo Ninka soo rartay oo isku qabtay lacag iyo hanti ka dhaxaysa iyaga, Dekedda Berbera-na muu soo gaadhin Markabkaasi ee isagoon soo gaadhin ayuu ka noqday, sidaaas darteed Dekedda Berbera xaq uma laha inay markabka soo qabato, laakiinse hadduu markabku na soo gaadhi lahaa oo ay dacwadi ka bilaabmi lahayd waanu dhex geli lahayn. waxa ilaahay mahadii ah Xukuumadda, ganacsatada iyo Dekedda Berbera oo ka wada shaqeeyey darteed, Beritoole ayuu Markabkaasi soo xidhanayaa haddii ALLE ka dhigo, hantidiina soo gaadhaysaa Dekedda, khilaafkii u dhexeeyey dhinacyaduna wuu dhamaaday.

La soco qaybta labaad ee waraysigan oo uu Maareeyuhu kaga hadlayo Dhismaha Dekeddaha Maydh, Saylac iyo Laasqoray, amniga Dekedda Berbera iyo qodobo kale oo muhiima..

Leave a Reply