Curinta Fikradda Cusub Ee Ganacsi Iyo Guusha!

0
800

Dad badan ayaa waayadii hore iyo dunida cusub si adag ku noqday maalqabeen, iyagoo soo maray wakhti adag iyo marxalado kala duwan. Laakiin haddana waxa jira dad si yar oo dhib yar oo la yaab leh ku noqday maalqabeen, iyagoo maskax iyo sababo macquul ah adeegsanaya muddo kooban  iyadoo aan la filayn arintaasi.

 

Sannadkii 2009, laba walaalo ah, oo lagu magacaabo Mike iyo Guy, ayaa bilaabay inay hilibka digaaga ku iibiyaan goob baarkin ah oo baabuurta la dhigto qiime dhan $ 1.49 halkii Rodol.  Walaalaha ayaa hilibka ka soo iibsan jiray beeralayda taasi oo sababtay in Qiimha ay ku iibiyaan uu noqdo mid aad uga hooseeya ka guud ahaan dalka lagu iibiyo waxase ay ku xidheen in qofku iibsado ugu yaraan  40 Rodol ama 20 kiilo.    Koboca dhaqaale ee sanadkaasi ayaa gaadhay 17 milyan oo doller.

Xarunta oo ay magaceeda u bixiyeen Zaycon Fresh ayaa heshay macmiil dhan 120 kun qof, ka dib markii ay ka fureen 48 gobol ee dalkaasi Maraykanka goobaha baabuurta la dhigto. Warbixin uu soo saaray baanka maalagashiga Maraykanka ee Baird ayaa sheegay in iibka sanadka ee Zaycon uu gaadho 70 milyan doller.

Fikradda ganacsi ee meel marka ah aya keenta koboc iyo macaash dhakhso, shirkaddan sanadkii ugu horeeyaba waxa ay iibisay 80 kun oo rodol taasi oo markiiba dhaaftay shirkado muddo badan soo shaqaynayay oo weliba ka hanti badna. Shirkaddu wakhtigan waa ay leedahay 1200 gaadiidka macmiisha loogu geeyo hilibka ah. Saldhiga shirkadda aa goobaha gaadiidka la dhigto.  Guusha ganacsiga waa ugu horeeya inaad la timaaddo fikrad ka duwan oo ka casrisan midda ay ku shaqaynayaan shirkadaha suuqa ku jiraa.  (Prep. Haybe)

Leave a Reply