Fikirkaagu Mar kasta Maaha Mid Saxan!

0
282

Tareenka uu raacay  tafatiraha  lagu magacaabo Alex Steinman  oo ah tafatire bulshada usoo gudbiya madadaalooyinka waxa dhiniciisa fadhiday gabadh akhrisanaysay faalooyinka (Comment) Facebook  loo soo dhigay oo ay ku soo daabacatay 15 warqadood.

Tafatire Alex sawir ayuu ka qaaday waxaana uu soo dhigay barta Tutarka si dadku faallo uga bixiyaan isagoo u sheegay inay akhriyayso faallooyinka Fcbook, (Comments) oo ay soo daabacatay.

Dadka intooda badan waxa ay la yaabeen gabadha soo daabacatay faalooyinka (Comment) aanay qaarkood macno weynba lahayn ee wakhtiga iskaga luminaysa akhriskooda, intooda badani waxa ay ku soo jawaabeen inay tahay qof waalan oo aan xis ahaan dhamayn.

Laakiin nasiib wanaag iyada oo sawirkaasi iyo faaloyinkaasi aragtay isla markaana akhriday ayaa soo jawaabtay  waxaana ay tidhi: “Ma waali , waxaan ku jira tababar akhriska , si aan kor ugu qaado aqoonta akhriskayga oo aan ugu dhiirado inaan buugaag iyo macluumaad badan si dhib yar niyad ugu heli karo akhriskooda”.

Qof dadaal ku jira ayaa laga yaabaa in aad u aragto qof waalan oo khalad ku jira oo aan waxba la socon.  Ficilada qofku kama turjumayaan fikirkaaga iyo maskaxdaada waxa ka guuxaya. (eonline.com)  (Prep. Haybe)

Leave a Reply