Sirdoonka Galbeedka Iyo Madaxda Caalamka!

0
522

Bishii Novemebr 17, sanadkii 1962, Wakhti yar ka dib markii uu dayuuradiisa ka soo degay, isagoo ka soo laabtay safar debedda ah uu ku maqnaa ayaa madaxweynihii dalka Kongo ee caanka ahaa ee la  doortay Mr.Lumumba la qabtay oo la xidhay, waxaana hawlgalka fuliyay ciidamo gadooday oo daacad u ahaa keligii taliyihii Mabuto Zeko Zeko.

Waxa uu ahaa wakhti adag oo Madaxweyne Lumumba ka soo horjeestay dawladda Belgimka ee  gumaysan jiray  iyo weliba danihii Maraykanka iyo Ingiriisku ku lahayaen dalkiisa oo hodan ku aha macdanta kala duwan oo ay ka mid tahay Yuraniyamka qaaliga ah.

Madaxweyne lamuba ayaa xidhiidh dhow la yeeshay Ruushka oo loolan adag kula jiray Maraykanka iyo Yurubta galbeed..  Muddo ka dibna waxa dilay ciidanka xidhay ka dib markii ay ciqaabeen.

 

Sanadkii 2010 ayay islaanta Daphne Park oo ka tirsanayd sirdoonka Ingiriiska ay si cad u qiratay inay iyadu hogaaminaysay dilka Lumba iyadoo wakhtigaasi ku jirtay maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay, dhakhaatiirtuna u sheegen inay muddo yar ka dib ay u dhimanayso xanuunka haya awgeed.

Daphne ayaa ahayd qunusulka iyo xoghayaha koowaad ee Ingiriiska u joogay caasimadda dalkaasi ee Kinishaasa.

Islaanta Daphne ayaa intaasi ku dartay in sababta loo dilay ay ahayd iyagoo  ka cabsi qabay xidhiidhka uu la yeeshay Ruushka iyo isaga weliba gacanta u geliyay godadkii macdanta Yuraaniyamka dawladii Sofiyeetka (Ruushka).

Waxaana ay intaasi ku dartay in gobolka ay ku badan tahay macadantu ay cabsi weyn ka qabeen inuu Ruushku la wareego. Haddii taasi dhacdona dhamaan danaha dalalka Maraykanka , Ingiriiska iyo Belgimka ayaa ka soo xidhmayay.  Dophne waxa ay wakhtigaasi qarka u saarayd geerida iyadoo u dhimatay xanuunka ay jiiftay markii ay warkaasi bixisay bil ka dib. Madaxda dunida sadexaad waxa ku dhaca dilal iyo xadhig haddii ay ka hor yimaadaan danaha Yurub iyo Maraykanka. Waxa kale oo Iyana caado ah in sirdoon kasta saacadaha geeridiisa uu sheego shaqooyinka ugu halista badnaa iyo madaxdii uu khaarjiyay. (Prep. Haybe)

Leave a Reply