Aqoonta Horumarka Horseeda!

0
549

Mid ka mid ah, macallimiinta Jaamacadda dalka Koonfur Afrika ayaa ardaydiisa oo ka koobnayd heerarka aqoonta ee kala duwan ( Degree, Master iyo PHD) u qorey warqad uu kaga warramayo xaaladda kulliyadda uu dhigo ee jaamacadda Koonfur Afrika.

Professorka ayaa weedhahan ku qoray warqadiisa: ” Burburka ummaduhu uma baahna atoomik bam ( Nuyukliyer) iyo ganataalaha riddada dheer oo lagu rido laguna baabiiyo.

Laakiin ogow waxa lagu baabiin karaa in hoos-u-dhac lagu sameeyo tayada waxbarasho iyo manhajka  dalka, ardaydana loo ogolaado in ay imtixaanka ay qishaan oo kala eegtaan”.

Arinkaasi ayaa suuro-gelinaya in qofkii bukey ku hoos dhinto dhakhtar aan waxba la soo barin oo ku soo gudbay Qish iyo eegashada immtixaanka, dhismaha guryuhuna ku dumaan Engineero aan aqoon lahayn oo ku soo baasey Qish, hantiduna ku lunto xisaabiye, ku soo gudbay  Qish.

Ixtiraamka Aadminimona  ku hoos dhinto wadaad ku soo gudbay aqoon diin ahaaneed oo Qish ah, caddaaladduna ku dayacanto garsoore isna aqoon sharci aan lahayn oo sita shahaado magac u yaal ah. Intaasi marka ay dhacdo waxa Jahligu ku fidiyaa Caqliyada dhallinyarada, kaas oo uu gaadhsiinayo macallin isaga lafterkiisuna ku soo gudbay Qish”. Burburka tacliintu waa Burburka ummadda. (Jamiiforums.Com)

Leave a Reply