Xikmadaha

0
398
  • Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba caawi adiga oo jecel in aad kaalmayso.
  • Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa khaladka ku sameeya.
  • Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, weligaa nolosha ku guulaysan maysid.
  • Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.
  • Marka aad walaalkaa ku kaalmayso in uu buur fuulo, waxa tahay qofka ugu dhow ee ku xiga fuulista buurta.
  • Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudnaa canaantaa.
  • Tijaabada ugu weyn ee lagu garto geesinimadu waa qofka oo la eego sida uu ugu adkaysto guuldarrada iyo jabka, iyo in aanay ku ridin niyad jab iyo mooral xumo.
  • Noloshu ma’aha dhibaato in la xalliyo u baahan, balse waa xaqiiqo in lagu waayo qaato u baahan.  Hana noqon mid markasta doorbida waxay naftiisu jeceshahay oo keliya

Leave a Reply