Isbedelka Dhaca Xilliga Uurka Bisha 1-aad Illaa Bisha Sagaalaad

0
932

UURKA BISHA 1-AAD ILLAA BISHA 9-AAD:

Hargeysa (Dawan) Bisha Koowaad: bisha koowaad ee uurka shaqooyin badan ayaa dhacaya si ilmaha abuuristiisa u dhacdo. Marka koowad uur qaadis ayaa dhacaysa, bacrimin ayaa ku xigta, kadibna waa in ukuntii yarayd ee la bacrimiyay lagu dhajiyaa darbiga minka 7-10 bari marka laga joogo bacriminta ukunta ayaa waxaa dhacaya in ukunta lagu dhajiyo darbiga minka. Hadii ukunta lagu dhajiyo meel aan minka ahayn waxay sababaysaa in uurku ku samaysmo meel aan minka ahayn. Waa inaaad ogaataa bisha koowaad ee uurka waxaa dhaca waxyaaalo waawayn oo ay kamid yihiin, samayska xungulaha ilmaha, midabka timaha ilmaha oo la dooro, iyo midabka indhaha, dhamaadka bisha koowaad ilmahaagu qiyaastii waa 2 millimeter dherer ahaan.

 

 

 

Bisha Labaad: marxaladaan marka la marayo cunugaagu waxaa la oran karaa uurjiif. Wadnaha, gacmaha, lugaha, beerka iyo dhamaan xubnaha kale ee waawayn waxay bilaabayaa inay si tartiib ah u samaysmaan.

Isbuuca lixaad marka la marayo, wadnaha uurjiifku wuxuu bilaabayaa inuu garaaco oo shaqeeyo isla markaas waxaa lagu arki karaa kumbiyuutarka loo yaqaan ultrasound. Mandheerta ayaa sidoo kale samayskeedu bilaabanayaa, sidoo kale indhaha, afka, dhagaha, iyo lafaha ayaa askunkoodu bilaabanayaa inta lagu jiro bisha labaad. Inta lagu guda jiro bishaan faraha iyo suulasha uur jiifku waa samaysmeen inkastoo laga yaabo inay wali xuub kujiraan.

Neerfayaasha iyo maskaxda uur jiifka ayaa sidoo kale samaysmaya bishaan gudaheeda. Xubnaha taranka ee uur jiifka ayaa sidoo kale samaysma bisha labaad. Dhererka uur jiifka ayaa lagu qiyaasaa dhamaadka bishaan inuu noqdo 4-8 centimeter halka culayskuna noqon karo 1-2 gram.

Bisha Sadexaad: hadii kumbuyuutarka caloosha lagu saaro waxaad arki kartaa gacmaha iyo lugaha uur jiifkaaga oo dhaq dhaqaaqaya. Samayska xubnaha waawayn ee uur jiifka ayaa la dhameeyaa dhamaadka bishaaan. Xubnaha taranka ee uur jiifka ayaa sidoo kale samayskoodu sii soconayaa bishaan, inkastoo aan la ogaan karin labnimada iyo dhadignimada uur jiifka. Wajiga uur jiifka ayaa sidoo kale si caadi ah loo garan karaa in cunug yar wajigiis uu yahay.

Bisha Afaraad: bishaan marka uurku marayo timaha iyo ilkaha cunuga ayaa samayskoodu bilaabanayaa. Sidoo kale ilmuhu wuxuu bilaabaa dhaq dhaqaaqiisa ugu horeeya, balse hadii aadan dareemin wax dhaq dhaqaaq ah bishaan gudaheeda ilaa laga gaarayo bisha shanaad waa shay caadi ah. Habka dheefshiidka ilmaha ayaa sidoo kale bilaabanaya inuu samaysmo bishaan, xiidmaha cunuga yar ayaa sidoo kale samasykoodu dhamaystirmayaa inkaasoo laga yaabo in saxarada ugu horaysa ee cunuga yar jirkiisu sameeyo ay diyaar ku noqoto xiidmaha cunuga.

Dhamaadka bishaan waxaa macquul ah in la ogaan karo labnimda ama dhadignimada ilmaha. Dhererka ilmaha uur jiifka ah ayaa sidoo kale bishaan lagu qiyaasi karaa 10-16 centimeter, halka culayskiisana lagu qiyaasi karo

Bisha Shanaad: bisha shanaad badanaa isbadalo waawayn ma dhacaan. Suuniyaha iyo baalasha indhaha ayaa sidoo samaysma bishaan. Cunuga yar ee uurkaaga kujra wuxuu bilaabayaa inuu nuugo suulashiisa, sidoo kale cunuga yar wuxuu bilaa inuu wax liqo. Wax maqalka ilmaha yar ayaa sidoo kale caadi ah bishaan, waxaana laga yaabaa inuu maqlo hadalada dadka, siiba kan hooyada.

Bisha Lixaad: habka difaaca jirka ee cunuga yar ama cunugta yar ayaa samaysmaya bishaan. Sanbabada iyo tuubooyinka hawa mareenka ilmaha ayaa sidoo kale samysma. Bisha lixaad ilmaha yar ee hooyada uurkeeda jiifa wuxuu u egyahay ilmaha caadigaa ee dhasha.  Dhererka ilmaha yar ayaa lagu qiyaasaa bishaan 18-20 centimeter.

Bisha Todobaad: ilmaha yar wuxuu awoodaa inuu indhihiisa kala furo isla markaasna ooyo. Sidoo kale dhaq dhaqaaqa ilmaha ayaa siyaada bishaan ayadoo laga yaabo in xataa dadka kale arkaan dhaq dhaqaaqa ilmahaaga. Dhamaan lafaha jirka kujira ee cunuga yar ayaa si fiican samayskoodu u dhamaystirmaa. Sidoo kale bishaan ilmaha waxaa fuula baruur.

Bisha Sideedaad: bisha sideedaad marka uurkaagu soo gaaro, majiri doonaan samays ama abuuritaan wayn oo dhacaya. Balse wali ilmaha yar wuu korayaa si uu iskugu diyaariyo inuu banaanka ama aduunka yimaado. Bisha sideedaad wuxuu ilmuhu bilaabayaa inuu seexdo waqti badan.  Dhererka ilmahaaga yar ayaa bishaan noqonaya 33 centimeter halka miisaankiisuna noqdo 2.5-2.7 kg.

Bisha Sagaalaad: bishaan waa bisha hooyadu isku diyaariso dhalmada. Waxay hooyadu qaadataa waqti badan oo nasiino ah. Sidoo kale ilmahaagu bishaan wuxuu gaaray waqtigii loogu tala galay ilmaha dhaymska ah. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu ku kala duwanaadaan dhererka iyo miisaanka, balse bishaan ilmaha dhererkiisa waxaa lagu qiyaasi karaa 48-53 centimeter halka miisaankiisuna noqon karo 3-3.5 kg.

Xigasho: Daryeel Magazine

Leave a Reply