Ciidanka Booliiska Somaliland oo qabtay Tuugo dhac ka gaystay Hargaysa

0
513

Hargeysa (Dawan) – Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan, laba  nin oo bakhaar Hargaysa ku yaala ka dhacay lacag dhan 120 milyan oo Shilinka Somaliland ah iyo 3000 oo dollarka Maraykanka ah.

Taliye ka tirsan ciidanka booliiska ayaa sheegay in tuugadu ay bakhaarka xagga danbe ka soo dalooliyeen, isla markaana ay jabsadeen qasnadii ay lacagtu ku jirtay saq-badhkii xalay.

Taliyuhu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxsaa uu yidhi.”Saacadu markay ahayd 1:00am habeenimo ayaa bakhaar ay leedahay gabadh ganacsato ah oo lagu magacaabo Farax Faarax Cali, ayaa la jabsaday, waxaana lagala baxay lacag dhan 120 milyan oo shilinka Somaliland ah iyo 3000$, waxaana jabsaday laba  tuug, bakhaarka meel bay kasoo dalooliyeen, dabeedna foosto ay lacagtu ugu jirtay ayay kala baxeen”

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka booliisku ay qaadeen howlgal socday galinkii danbe ee xalay oo dhan, isla markaana ay saaka subixi ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan eedaysanayaasha iyo lacagtii.”Taliyaha ciidanka booliisku markii uu ii sheegay aniga oo taliye qaybeed ah ayaa dag dag uga howl galay, subixi ayaanu qabanay laakiin ciidanku habeenkii oodhan howlgalka ayay ku jireen”.

Cabdi Fatax Axmed Aw Muxumed oo ah guddoomiyaha khudradleyda  suuqa Waaheen,  ayaa dhacdacan ku tilmaamay wax aanay filayn oo ay aad ula yaabeen.”Runtii waxay ahayd dhacdo anaan hore u arag, waanu arki jirnay tuug albaabka soo jabiya, laakiinse dhacdada ah in gidaar dhan la burburiyo oo wixii yaalay laga dhex qaato, waxay nagu noqotay runtii arrin anaan sugayn oo fajiciso ah”

Marwadda Farax Faarax Cali, ahna gabadha lacagtani laga dhacay ayaa ciidamada booliska ku ammaantay sida ay ugu guulaysteen soo qabashada hantidii laga dhacay oo aan xabadii  ka maqnayn. “Halkan waxaa aan uga mahad celinayaa ciidamada booliska Somaliland, ee hantidii iga luntay ee Tuugtu iga lunsatay ii soo qabtay, gurigaygii oo aan nabadgelyo kaga tagay oo xidhan, ayay rag xagga danbe ka dalooliyeen, way jabsadeenn ILLAAHEY ayaa mahada iska leh marka koobaad, ciidamada booliska waan u mahad celinayaa, taliyaha ciidanka ee jooga qaybta Gacan Libaax, waan u mahad celinaya ciidanka dhammaantii waan u mahad celinayaa”

Ciidanka Booliiska Somaliland oo qabtay Tuugo dhac ka gaystay Hargaysa

Leave a Reply